Isdhexgalka bulshada
Haddii aad heysato deganaansho magangelyo ay da'daada u dhaxeyso 18 iyo 67 jir, waxaad qaadaneysa casharada luqada Nederlaanka. Waxaad kaloo baraneysaa waxyaalaha ku saabsan bulshada Nederlaanka. Taasi waxaa lagu magacaabaa 'isdhegalka bulshada'. Isdhexgalka bulshada waa mid waajib ah. Wixii dheeraad ka aqriso halkan.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (2)
Bilaabida la qabsashada bulshada ka dib 1 janaayo 2022
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
- 6
Bilaabida la qabsashada bulshada ka hor 1 janaayo 2022
Warbixin

Waxan ayaa la rabaa inaad ka ogaato la qabsashada bulshada
Ma heysataa sharci deganaansho iyo da'daada ma u dhexeysaa 18 iyo 67 sano? Markaa waa dowlada Nederlaan kaa rabtaa inaad barato af Nederlaanka iyo bulshada Nederlaan. Taasi waxaa lagu magacaabaa. La qabsashada bulshada. Ka aqri halkan waqtiga aad bilaabeyso la qabsashada bulshada.

Caawinaada luqada Nederlaanka
Waxaad u tababaran kartaa qaabab kala duwan. Haddii aad rabto caawino xagga luqada Nederlaanka, waxaad warbixin dheeraad ka heleysaa boggan oo ah qaabka iyo meesha aad caawinada ka heleyso.

Nidaamka la qabsashada bulshada ee 1 janaayo 2022 ka dib
Fiidiyowgan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan la qabsashada bulshada 1 jaanyo 2022 ka dib sida ay u shaqeyneyso.

Maxaa ka kooban yahay isdhexgalka bulshada?
Haddii aad haysato ruqsad deganaansho ama aad ku cusub tahay Nederland, waxaa badanaa lagaa rabaa inaad sameyso isdhexgalka. Waxaad baranaysaa luqadda Nederlandka iyo sida loo noolaado, loo shaqeeyo, iyo looga qayb qaato bulshada Nederlandka. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa waxa is dhexgalku ka kooban yahay iyo waxa aad u baahan tahay inaad diyaariso.