Bixinta canshuurta
Haddii aad shaqeyso ama ka qaadato gunnado Nederlaan, waxaad bixisaa canshuuro. Sannadkii mar waa inaad buuxisaa canshuur celinta daqliga. Halkan ka aqri qaabka tani u shaqeyso.
Xisaabinta canshuurta
Waa inaad canshuur ka bixisaa daqligaaga. Haddii aad u shaqeyso shaqo bixiye, si toos ayaa canshuurta looga bixinayaa mushaharkaaga. Sidoo kale markaad qaadato gunnada si toos ayaa looga bixiyaa. Haddii aad tahay ganacsade, waa inaad xisaabisaa oo aad iskaaga u bixisaa.
Buuxinta canshuur celinta
Sannadkii mar ayaa maamulka canshuurta Nederlaan ay ku weydiinayaan inaad warbixinta daqligaaga dhijital ahaan u soo buuxiso. Tani waxaa lagu magacaabaa undefinedbelastingaangifteundefined. Tani waa inaad sameysaa sannad walba inta u dhaxeyso 1 Maarso iyo 1 Abril. Maamulka canshuurta ayaa xisaabinaaya haddii aad canshuur kaafi ah bixisey sannadkii la soo dhaafay. Mar mar waa inaad wax dheeraad bixisaa ama adigaa wax laguu soo celinayaa.
Waxaa maamulka canshuurta Nederlaan kaa caawini karaan buuxinta undefinedbelastingaangifteundefined. waxaad ballan ka sameyn kartaa arrintan laynka warbixinta Canshuurta:(0800) 05 43. Waxaad wici kartaa inta u dhaxeysa 08:00 iyo 20:00 Isniinta ilaa Khamiista, iyo Jimcayaasha inta u dhexeysa 08:00 iyo 17:00.
Lacagta oo laguu soo celiyo
Haddii aad bixisay canshuurta daqliga oo siyaado ah, waxaad ka heli kartaa maamulka canshuuraha Nederlaan. Tani waxaa loo yaqaan undefinedbelastingteruggaveundefined.
Foomka undefinedM-formundefined
Haddii aad degan tahay xerada magangelyodoonka (AZC) qeyb ka mid ah sannadka, waxaad isticmaali kartaa undefinedM-formundefined si aad u hesho undefinedbelastingteruggaveundefined canshuurta la soo celiyo. waxaad undefinedM-formundefined waa foom aad buuxineyso sannadka hijrada ama socdaalka.
Caadi ahaan, waa inaad foomka undefinedM-formundefined aad u gudbisaa maamulka canshuuraha Nederlaan ka ka hor 1 julay ee sannadka so socda.Fadlan la soco:waxaa laga yaabaa in degmada u aragto waxaasi laguu soo celiyey daqli ahaan. Degmada ayaa markaasi tan ka jareysa gunnadaada. Marka hore ka hubi degmada inta aadan foomka buuxin.
Canshuurta mushaharkaaga
Haddii aad shaqo bixiye u shaqeyso, waxaad si toos ah uga bixineysaa qeyb mushaharkaaga ah dowladda. Taasi waa canshuur. Heerarka canshuurta daqliga shaqada wuxuu u kala korosan yahay 2 qeybood. marka uu daqligaaga sii kordho, canshuurta aad bixineysana waa sii badanaayaa.
Intaan oo canshuur ah ayaad bixineysaa
€ 0,- ilaa € 73.031 waxaa la rabaa 36,93 boqolkii oo canshuur ah.
€ 73.031 iyo wixii ka badan waxaa la rabaa 49,50 boqolkii canshyuur ah.
Dhimista canshuurta mushaharka
Ma ku shaqeysaa Nederland mushahar ahaan? Markaa waxaad xaq u leedahay ka dhimis canshuurta mushaharka. Taasi waxaa lagu magacaabaa dhimista canshuurta mushaharka. Waxaad dhimista waxaad ka dalban kartaa shaqo siiyahaaga, ama xagga Canshuuraha. Shaqo siiyahaaga wuxuu bixinaayaa canshuur yar markaasoo adiga mushahar badan qaadaneyso.
Waxaa dhimista mushaharka waxaa laga xisaabinayaa daqligaaga asaasiga. Inta ugu badan dhimista shaqaalaha waa € 5.052,- sannadkii. Daqliga marka laga bilaabo € 37.697,- dhimista shaqaalaha wuu sii yaraanayaa. Inta dhimista mushaharka adiga laguu xisaabinaayaa, wuxuu ku xiran yahay mushaharkaaga.
La soco:haddii aad shaqo siiye badan u shaqeyso isla markii, markaa 1 shaqo siiye ayaad ka weydiisan kartaa dhimista mushaharka. Ma dooneysaa inaad isticmaasho dhimista mushaharka? Markaa u sheeg shaqo siiyahaaga.