• Bilowga
  • Shaqo
  • Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato
Ardayda waxey hawada u tuurayaan koofida qalin jibinta
Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/17/2023, 9:15 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma Nederlaan banaakeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Muxuu yahay micnaha qiimeynta shahaadada?

Qiimeynta shahaadada waxaa shahaadadaada la barbardhigaysaa darajada tababarka ee Nederland. Nederlaan darajado kala duwan ayaa wax u baran kartaa. Darajo walba shahaado gaar ah ayaad u baahan tahay.

Shaqooyin badan oo Nederlaan ah waxaad u baahan tahay shahaado darajo gaar ah. Qiimeynta shahaadada waxey is barbar dhigeysaa shahaadada dibada iyo nidaamka waxbarashada ee Nederlaan.

Ururkan ayaa shahaadadaada ka qiimeyn kartaa

Waxaa Nederlaan shahaadada ka qiimeyneysaa ururka

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Caalamiga Qiimeynta Shahaadooyinka (IDW)
.

Meequu joogaa qiimeynta shahaadada?

Qiimeynta shahaadada waa €148,83. 1 shahaado ayaa lacag la'aan ku qiimeyn kartaa haddii xaaladaha hoosku qoran 1 ku quseeyo:

  • Adiga waxaad ka soo qaxday Yukraine.

  • Waxaad bilowday 1 jaanayo 2015 ama ka dib la qabsashada bulshada (Inburgering).

  • Waxaad tahay wadani Nederlaan ah ama waadnoqoneysaa (jinsiyadaa qaadaneysaa).

  • Waxaad ka weydiisatay sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Adeega Imigreyshanka-iyo Jinsiyada (IND)
    .

Kuma quseeyaan xaaladaha kor ku xusan midkood ama waxaad heysataa shahaadada la qabsashada bulshada? Markaa qiimaha waa € 148,83.

Maxaa ku jira qiimeynta shahaado?

Qiimeynta shahaado waa dhukumeenti oo ka kooban:

  • Magacaaga iyo taariikhda dhalashada.

  • Waxbarasho nocee ah aad so dhammaysey iyo mudada aay qaadatay.

  • Halkee iyo goormee aad qaaadatay waxbarashada.

  • Shahaadadee aad soo qaaday.

  • Taas oo heerka waxbarashada Nederlaanka shahaadaadu la mid tahay.

Qiimaynta Shahaado waxaa lagu qoray luuqada looga hadlo wadanka Nederland waxayna u saxiixantahay si dhijitaal ah.

Shahaadooyinkan waad qiimeyn kartaa

IDW ma is barbardhigeyso dhamaan shahaadooyinka. Waxaa IDW is barbardhigeysaa:

  • Shahaadooyinka heer qaran la aqoonsan yahay.

  • Shahaadooyinka tababarkooda ugu yaraan 1000 saac socday.

IDW ma barbardhigaan:

  • Cadeymaha iyo shahaadooyinka tababarada gaagaaban iyo koorsooyinka.

  • Shahaadooyinka aan caalami ahaan loo aqoonsanayn.

  • Shahaadooyinka Nederlaan.

Waxbarasho ma soo dhigatay, laakiin aadan dhameystirin? IDW taasina qiimeyn waxbarasho wey sameyn karaan. Taasi waa inaad ugu yaraan 1 sano aad waxbarashada soo dhameysatay.

Dhokumentiyo nocee ah ayaad u bahantahay qimaynta shahadooyinka?
Qodobkan ma ku caawiyay?