Waxbarashada
Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan waxbarashada carruurta iyo dadka waaweyn ee Nederland. Tusaale ahaan, ku saabsan dugsiga hoose, dugsiga sare, iyo waxbarashada Mbo, Hbo, ama jaamacadda. Iyo kharashka waxbarashada iyo kharashyada kale
Warbixin

Laga bilaabo xanaanada carruurta ilaa jaamacadda: sidee buu nidaamka waxbarashadu uga shaqeeyaa Nederland?
Nidaamka waxbarashada ee Nederland wuu adkaan karaa. Waxbarashadu waxay u qaybsan tahay marxalado da'eed oo kala duwan. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida ay u egtahay wadada laga bilaabo xanaanada carruurta ilaa jaamacadda.

Sharuudaha aad wax ku baran karto adigoo heysta sharci deganaansho
Si aad Nederlaan wax uga barataa, waa inaad sharuudo gaar ah ka soo baxdaa. Boggan waxaad ka aqrineysaa wax dheeraad ah oo sharuudahaasi.

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato
Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Doorashada waxbarashada ee Nederland: sida loo doorto barnaamij ama waxbarasho kugu habboon
Waxaa jira barnaamijyo waxbarasho oo aad u badan oo Nederland ah. Sidaa darteed, way adkaan kartaa in la sameeyo doorasho wanaagsan. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida loo doorto barnaamij ama koorso waxbarasho oo kugu habboon, tallaabo tallaabo.

Dugsiga hoose dhexe
Ilmaha jira 4 ilaa iyo 12 jir ayey aadayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose wuxuu leeyahay 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuul aadaan laga bilaabo 5 jir laakiin badiyaa ilmaha Nederlaan laga bilaabo 4 sano ayey aadaan dugsiag hoose. Boggan ka aqri wax walba oo ku saabsan dugsiga hoose.

Dugsiga sare
Dugsiga hoose ka dib waxey ilmaha aadayaan dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu leeyahay darajado kala duwan iyo sanado waxbarasho kala duwan. Ilmaha 16 jirka, mar mar 18 jir, waa ku waajib iney iskuulka aadaan. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo ku saabsan dugsiga sare.

Waxbarashada Nederlaan: waa maxay farqiga u dhexeeya Mbo, Hbo, iyo jaamacad?
Dugsiga sare ka dib waxbarasho waad sii wadan kartaa. Waxaad wax u baran kartaa darajado kala duwan. Darajada waxbarashadaada waxey ku xiran tahay shahaadadaada dugsiga sare. Qodobkan waxaad kaheleysaa warbixin darajadaha kala duwan ee waxbarashada.

BBL iyo BOL: waa laba qaab oo loo dhigto tababar-mbo
Waxaa Nederlaan jira laba siyaabood oo lagu sii wado waxbarashada farsamada gacanta (MBO): iyada oo loo marayo BBL ama BOL. Labada barnaamijba waxay bixiyaan shahaadada rasmiga ah ee MBO, laakiin habka waxbarashadu waa ka duwan yahay. Maqaalkani waxa uu sharaxayaa farqiga u dhexeeya labadan tababar.

Waxan ayaad habeyneysaa haddii aad rabto inaad tababarka-mbo dhigato
Haddii aad rabto dhigato tababarka-mbo, waa in sharuudaha gaar ah ka soo baxdaa. Waxaad la kulmeysaa qarashka sida qarashka waxbarasho iyo sharuudaha gelitaanka. Maqaalkani waxa uu sharxayaa sida aad isu diiwaangelineyso, waxa aad habeyneyso iyo waxa aad qarashka ku bixineyso. Iyo caawinaada dhaqaalaha aad heli karto.

Tani waa inaad sii habeysaa haddii aad rabto inaad wax ka barato hbo ama jaamacadda
Haddii aad rabto dhigato tababarka hbo ama jaamacadda, waa in sharuudaha gaar ah ka soo baxdaa. Waxaad la kulmeysaa qarashka sida lacagta kulliyada iyo sharuudaha gelitaanka. Maqaalkani waxa uu sharxayaa sida aad isu diiwaangelineyso, waxa aad habeyneyso iyo waxa aad qarashka ku bixineyso. Iyo caawinaada dhaqaalaha aad heli karto.