Waxbarashada
Waxaa Nederland, dowladda ay rabtaa in qof walba uu helo waxbarasho iyo shahaado.Ilmaha ilaa 16 jir iyo mar mar ilaa 18 jir waa iney aadaan iskuulka. Waxaa Nederland lagu magacaabaa waxbarashada waajibka ah. waxaa keliya aad shaqooyinka badankooda heleysaa haddii aad heysato shahaado.
Muuqaalada sare
.

Dugsi hoose dhexe iyo dugsi sare
Waxaa Nederland jira, Ilmaha ilaa da'da 16 iyo mar mar ilaa 18 iney waxbarashada waajib tahay: iyaga ma laha doorasho kale aan ahayn iney iskuul aadaan. Keliya marka ay jiran yihiin ayey iskuulka ka joogi karaan. waxaa kaloo ay weydiisan fasax gaar ah marka ay xaalado gaar ah jiraan sida (Ciida fitriga).

Waxbarashada
Ka dib markaad dhameyso dugsiga sare, waxaad bilaabi kartaa waxbarasho. waxaad Nederland wax u baran kartaa seddex darajo oo kala duwan. Boggan waxaad ka aqrisan kartaa darajadahaasi. waxaad kaloo heleysaa warbixin ku saabsan sida aad waxbarashada isaga bixin karto.

Caawinaada luqada Nederlaanka
Waxaad u tababaran kartaa qaabab kala duwan. Haddii aad rabto caawino xagga luqada Nederlaanka, waxaad warbixin dheeraad ka heleysaa boggan oo ah qaabka iyo meesha aad caawinada ka heleyso.