Naag ayaa laptop-keeda ku shaqeyneysa

Muxuu yahay sharciga deganaanshaha ee joogtada ah?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 8/30/2023, 7:45 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Sharciga deganaanshaha joogtada ah intaad doonto ayaa Nederlaan ku deganaan kartaa. Sharcigan waxaa rasmi ahaan la yiraahdaa "sharciga deganaanshaha magangelyada aan waqtiga ku xirnayn".

Farqiga u dhexeeya deganaansho muddo ah ama deganaansho joogto ah

Marka aad heysato deganaansho muddo ah waxaa dowlada Nederlaan ku siineysaa fasax muddo ah aad Nederlaan ku joogto. Sharciga deganaanshaha joogtada ah weligaa ayaa Nederlaan joogi kartaa.

Haddii aad Nederlaan magangelyo ka weydiisato, waxaa mar walba marka hore lagu siinayaa deganaansho muddo ah. Waxaad deganaansho joogto ah weydiisan kartaa haddii aad 5 sano oo isku xiga aad joogto Nederlaan oo aad heysato sharci deganaansho muddo ah.

Hubaal dheeraad oo mustaqbalkaaga Nederlaan

Miyaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Socdalka iyo Jinsiyada (IND)
ku siiyeen deganaansho joogto ah? Markaa weligaa ayaa Nederlaan joogi kartaa. Deganaanshaha joogtada ah markaa waxaad heysataa hubaal mustaqbalkaaga Nederlaan marka loo fiiriyo deganaanshaha mudada ah.

Keliya xaaladaha hoos ku qoran ayey IND sharciga deganaanshaha joojin kartaa:

  • Haddii aadan warbixinta saxda ah ee nafsadaada iyo xaaladaada aadan u sheegin IND oo ay iyaga ogaadaan.

  • Haddii aad dembi culus gasho oo arrintaa laguu xakumo.

Qodobkan ma ku caawiyay?