
Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka codsigaaga magangelyo
La wadaag baraha bulshada:
Waa iney IND waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "in gebreke stellen" "dhaliilida".
Waxaa IND badiyaa heysataa 15 bilood waqti ah si ay uga soo go'aamiyaan codsigaaga magangelyo
Waxaa sharciga qoraayaa in
Isla marka aad saxixdo codisga magangelyo, waxaa bilaabanaaya mudada 15 bilood tirsigeeda
Waxaa 15 ka bilood ay IND si rasmi ah u heysato ay bilaabanayaan maalinta aad
Si rasmi ah uga codso iney 2 wiig gudahooda ay go'aan ku soo gaaraan haddii ay ka soo daaheen
Ma u suuroobi weysey IND iney 15 bilood ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo? Markaa waxaad adiga iyo lawyerkaaga sameyn kartaan dhaliilid. Waxaad IND si rasmi ah u ogeysiineysaa ineysan dhowrin xeerkii ahaa iney ugu badnaan 15 bilood ku soo go'aamiyaan. Waxaad mar kale weydiineysaa in 2 wiig gudahooda go'aan ku soo gaaraan
Tani u samey sida soo socota
Weydii lawyarkaaga inuu kaa taageero iyo
foomka IND in la buuxiyo . WaxaIND ka hawlgeleysaa dhaliilida keliya haddii taasi boosto ama fax ahaan ay u helaan. U dir iyadoo daabacan oo foomka la buuxiyey: Immigratie- en Naturalisatiedienst Postbus 14 9560 AA TER APEL ama fakis nambarka: 088 043 29 51Hubi inaad dhamaan meelaha buuxisay. Ma dhameystirna codsigaaga? Markaa IND codsigaaga wey soo diidi kartaa. Markaa u digtoonow inuu codsigaaga kaamil yahay marka aad IND dhaliilida u gudbineyso
Waxan ayaa dhacaya haddii IND 2 wiig gudahooda go'aan ku soo gaaraan
Haddii ay IND 'dhaliilida' ay uga soo jawaabaan 2 wiig gudahooda oo ay ka go'aamiyaan codsiga magangelyo, markaa dacwada magangelyo waa dhameystiran yahay. Waxaad heshay go'aan. Codsigaaga magangelyo waala ogolaaday ama waa la soo diiday. Ka aqri halkan waxa ku xiga:
Haddii IND ay weli go'aan gaarin waxaad aadi kartaa xaakinka
Haddii IND dhaliilida ka dib aysan 2 wiig gudahooda go'aan ku gaarin? Markaa waxaad aadi kartaa xaakinka. Taasi waxaa loo yaqaan 'racfaan qaadasho'. Markaa caawino weydiiso oo arrintan ah lawyarkaaga. Sidan ayaad racfaan u qaadaneysaa
Si aad dacwada u bilowdo, waxaad adiga iyo lawyerkaaga u qoreysaan qoraal rafcaan maxkamada. Qoraal rafcaan waa dokumenti aad dacwad ku bilaabeyso oo dowladda ka soo horjeeda
Mararka qaarkood waa inaad adiga iyo lawyarkaaga aad imaadaan maxkamada, laakiin badiyaa ma dhacdo. Xaakinka ayaa badiyaa arrimahan oo kale ka go'aaminaaya asagoo fiirinaaya dokumentiyada. Maxkamada ayaa weydiineysa IND iney dhamaan dokumentiyada soo diraaniyo ay sharaxaan sababta aysan weli go'aan u gaarin. Markaa adiga looma baahna inaad imaado maxkamada, markaa warqad ayaa ka heleysaa oo arrintan maxkamada.
Xaakinka badiyaa 8 wiig ayuu heystaa marka uu qoraalka rafcaanka helo inuu go'aan ku soo gaaro. Haddii xaakinku waqti dheeraad u baahan yahay, xaakinka ayaa arrintan kaa wargelin doono. Go'aanka cinwaankaaga ayaa loo soo diraayaa.
Taasi waxaa ay dheceysaa haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay
Haddii xaakinka go'aamiyo inaad adiga xaqa leedahah, waa in IND ay go'aan deg deg ah codsigaaga ka gaartaa. Badiyaa wuxuu xaakinka IND siiyaa muddo dheeraad ah. Waa in IND msiin karaaudadaa gudaheeda go'aan ku gaartaa, xaakinka ganaax ayuu siin karaa. Markaasoo uu xaakinka rajeynaayo in IND ku qasbo iney dhaqso goáan uga gaaraan codsigaag magangelyo. Xadka ganaaxa wuu kala duwanaan karaa, badiyaa waa €100 maalintii, ugu badnaan 15.000.
Qadarka waa kala duwanaan karaa. Haddii aysan go'aan muhiim ahayn wuxuu xaakinka u arkaa €100 maalintii iney badan tahay, markaa ganaax waa €50 maalintii. Ugu badnaan waa €7,500. Laakiin xaakinka culeys dheeraad markuu rabo inuu saaro maadaama IND diideyso iney go'aan gaaraan, wuxuu noqon karaa xitaa ka badan 100 maalintii ilaa 250 yuro maalintii ugu badnaan waa 37,500.
Qarashka ganaaxa wuxuu kuu keeni karaa cawaaqib dhaqaale
Haddii IND ay ku siiso qarashka ganaaxa, waxaa lacagtaa aad heshay loo arkaa lacagtaada ah. Haddii aad qaadato ceyrta, waxaa taasi caaqibo ku yeelan kartaa ceyrtaada. Ama xadka lacagta guri dhigashada ee deynta aad qaadaneyso guri dhigashada. Haddii aad (weli) xero degan tahay, waxaa suura gal ah, in qarashkaasi aad heshay aad wax kaga bixineyso dejintaada ama aad lacag wiiga lagu siin ama wax yar lagu siiyo wiiga- ama lacagta lagu noolaado (leefgeld). Waa muhiim inaad COA taa weydiiso. Haddii aad shaqeyso wax caaqibo kuguma laha, ilaa haddii aad qaadato kabista.
Qarashka ganaaxa aad hesho marka go'aanka dowladda kaa soo daaho, isla markii lagama gooyo ceyrta. Waxa ceyrtaada uu la dhimayaa haddii aad qof keli ah hantidaada ka badan tahay 7,770 yuuro. Qadarka qoyska waa labanlaab. In lagaa goynaayo ceyrta waxey ku xiran tahay degmada aad dega tahay. Degmo walba wey kala duwan yihiin sida ay arrintan u maamulaan