
Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada COA
La wadaag baraha bulshada:
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.
COA ama dowlada hoose ayaa dejintaada suura gelinaaya
Haddii aad Nederlaan magangelyo weydiisaneyso ama rabto inaad weydiisato, waa in
Kuma qanacsanid xaalada xerada
Waxaa suura gal ah inaad xaaladaha xerada aad degan tahay aysan kula wanaagsanayn. Xaaladaha xun waxaa tusaale ahaan ka mid ah:
Xerada kuma haboona degaan ahaan. Halkani waa qabow, wasakh ama ma jiro meel adiga kuu gaar ah.
Tayada cuntada xerada laga bixiyo oo aan fiicnayn.
Ma jiro waxbarashada ilmaha da'dooda ka yar tahay 18 jir.
Ma jiro dhaqdhaaqyo badan xerada.
Goobtu kuguma habboona dhibaatooyin caafimaad awgood.
Kuma jirtid hoyga ay ku nool yihiin xubnaha qoyskaaga.
La hadalka shaqaalaha xarunta
Ma ku qanacsanayn xarunta daryeelka carruurtaada mid ka mid ah sababaha kor ku xusan awgood? Mise wax kale? Kadib marka hore waxaad la yeelan kartaa wadahadal shaqaale ka tirsan xaruntaada ama qofka aad la xiriirto ee degmada. Tilmaan inaad jeclaan lahayd inaad ka hadasho dhibaatooyinka aad kala kulanto xarunta. Waxaad isu diyaarin kartaa wadahadalkan. Tusaale ahaan, adiga oo naftaada u taxaya dhibaatooyinka:
Waxa dhibaatada yahay.
Tan iyo goorma ayay tani dhacdaa.
Saamaynta ay kugu yeelanayso adiga ama qoyskaaga.
Haddii aad hore u haysatay fikrado ku saabsan xalalka suurtagalka ah, waxaad sidoo kale ku dari kartaa doodda.
Tas-hiilaadka xerada ama hoyga ma wanaagsana miyaa?
Weydii haddii adiga iyo dad kale aad wada degan tihiin si wadajir u sameyn kartiin Golaha dadka deegaanka waa koox dadka degan meesha oo la shaqeynaaya COA si ay xalal ula fekertaan si deganaanshaha hoyga loo wanaajiyo. Golaha dadka deegaanka waxey aruurinaayaan dhibaatada dadka dhan ee wada degan xerada ama hoyga. Waxaa 2 dii wiigba mar ama bishii hal mar ayey golaha deegaanka isu imaanayaan iyaga iyo COA. Si wadajir ah ayey u wada fekerayaan wixii xalal ah. Tusaale ahaan hadii uu wax jaban yahay oo hoyga ah oo la rabaa in la hagaajiyo.
Tayada cuntada miyaan fiicnayn?
Tayada cuntada miyaan fiicnayn?
Waxaad weydiisan kartaa haddii dadka meesha degan ay cuntadooda karsan karaan. Taasi waa suura gal i dadka degan iyagoo sameysanaaya jadwal wax karinta ah. Xerooyinka ama hoyyaasha qaarkood cuntooyinka qeyb ka mid ah iyagaa sameysta (tusaale quraacda iyo qadada). Ma jiro miyaa jiko ama meel wax lagu kariyo? Waxaad COA weydiin kartaa haddii ay suuro geleyso in la keeno jikooyin guura si aad iskiina wax u karsataan. Wxaa sidaasi sameeyey dadka degan xerada Zuidbroek iyo COA. Ka dib markii dadka meesha deganaa ay ka cabaadeen xaalada cuntada.
Ma jiraan ama ma ku yar yihiin dhaqdhaaqyo aad sameyn kartaa xerada dhexdeeda?
Waxaad weydiin kartaa haddii ay dhaqdhaqaaqyo dheeraad ah la idiin sameyn doono oo xerada ah. Waxaad kaloo dhihi kartaa in adiga iyo dadka degan meesha aad ka caawini kartaan abaabulista dhaqdhaqaaqyadaasi. Tani waxaa si wadajir ah loola sameyn karaa ururrada dowlada hoose een degaankaasi dhexdiisa. Xero ku meel gaar ahaa oo Amsterdam waxaa ay abaabuleen dadka meesha degan iyo ururadaasi OpenEmbassy diners oo dadka xaafada degan ah. Qaabkaasi ayaa dadka xerada iyo dadka xaafada ay isku barteen.
Kama jiro miyaa waxbarashada ilmaha da'dooda ka yar tahay 18 jir?
Ilmaha da'dooda ka yar tahay 18 jir ee ku jira dacwada magangelyodoonka waxey xaq u leeyihiin waxbarasho. Taasi waxey ku qoran tahay Nidaamka Dejinta. Haddii aysan waxbarasho jirin oo ay ka qeyb qaadan karaan, taasi waa xad gudub xaquuqdooda ah. U sheeg in ilmaha xaq u leeyihiin waxbarasho iyo tashiilaad kale sida meelaha lagu ciyaaro oo gudaha- iyo dibada ah. Arrintan axaad kaloo u gudbin kartaa shaqaalaha Ururka qaxootiga caawiya VluchtelingenWerk Nederland (VWN) ee jooga xeradaada
Ashtakada oo la gudbinaayo
Ma heli weysey inaad wadahadal layeelato COA ama dowlada hoose? ama wadahadalkaagii waxba iskama bedelin xaalada xerada? Markaa waxaad gudbin kartaa ashtako COA ah ama dowlada hoose oo ku saabsan xerada. Ashtakada sababo badan ayaad u gudbin kartaa.
Ashtakada xagga COA
Ashtada laga gudbinaayo COA laba qaab ayaa loo sameyn karaa:
Waxaad taasi u adeegsan kartaa foomka ashtakada ee COA. Foomka ashtakada ee COA looguma talo gelin ashtako dadka meesha kula deganku saabsan. Taasi waxaad kala xariireysaa shaqaalaha-COA oo xerada jooga.
Foomka ashtakada ee COA
Warqad ahaan xitaa ashtakada waad u gudbin kartaa ee COA. Warqadaada ama e-mailkaaga waa inuu ku qornaadaa Nederlaanka ama Inglishka. warqada ama e-mailka waxaad u direysaa: Team Juridische zaken Postbus 30203 2500 GE Den Haag info@coa.nl
Ashtakada dowlada hoose
Dejintaada ma waxaa maamusha dowlada hoose een ma maamulaan COA? Markaa waxaad ashtakada u gudbineysaa isla dowlada hoose. Qaabka aad ashtakada u gudbin kartaa, waxey ku xiran tahay dowlada hoose. Mar mar waxaad ka heleysaa xerada warbixin qaabka aad dowlada hoose ula xariiri karto.
Warbixinta lala xariirka dowlada hoose
Sidan ayaad sameyn kartaa haddii ashtakadaada la xalin waayo
Sidan ayaad sameyn kartaa si aad ashtakadaada u xeliso
Ashtakadaada si fiican ma u xalin waayeen COA ama dowlada hoose? Waxaad 1 sano gudaheeda ka dib ashtakadaada 1 sano gudahooda Nationale ombudsman. Waxaad ashtakadaada ku gudbin kartaa xagga Xaakinka qaranka keliya luqada Nederlaanka. Shaqaalaha Xaakinka qaranka ayaa eegaaya waxa ay kuu qaban karaan. Waxey kuu gudbinayaan cinwaanka arrintaada ku habboon tahay. Ama waxey kaa caawinaayaan in baaritaan lagu sameeyo ashtakadaada.
Ashtakadaada waxaad u gudbin kartaa Xaakinka qaranka Nationale Ombudsman
La xarririda Xaakinka qaranka (Nationale Ombudsman)
Ka mudaaharaadka xaalada xerada
Haddii aad ku qanacsanayn xaalada xerada waa mudaaharaadi kartaa. Nederlaan waxaad xaq u leedahay inaad mudaaharaado taasoo ku qoran dastuurka Nederlaan. Taasi waxey hoos imaadaa xoriyada fikradaada oo aad soo bandhigeyso ee ka jira Nederlaan. Xitaa haddii aadan sharci magangelyo oo 5 sano aadan lahayn, waa mudaaharaadi kartaa.
Ma rabtaa inaad mudaharaado Markaa arrimahan ayaa muhiim kuu ah:
Waa inaad dowlada hoose u sheegtaa inaad mudaaharaadeyso. Taasi waxaad sameysaa 48 saac ka hor adigoo adeegsanaaya websaaytka dowlada hoose. Dowlada hoose waa iney mudaaharaadkaaga ay ogoshahay. Tusaale ahaan haddii aad mudaaharaadkaaga u baahan tahay wax hagaaya dariiqyada, waa in dowlada hoose taasi ay kuu abaabushaa. Haddii keligaaga aad mudaaharaadeyso looma baahna inaad ogeysiiso.
Uma baahnid fasax si aad u mudaaharaado. Sidoo kale fasax ugama baahnid dowlada
Boliiska mudaaharaadkaaga iskama joojin karaan. Keliya haddii uu duqa magaalada ee degmada ayaa mudaaharaadka xadidi kara ama mamnuuci kara.
Marka aad mudaaharaadeyso waa in boliiska kaa badbaadiyaan dadweynaha.