Qof ayaa ku haaya kaarka bankiga laptop-ka agtiisa. Waxa meesha yaala buuga xisaabta iyo taleefoon.
Laga soo xigtay: Anna Shvets

Waxbarashadaada aad iska bixineyso Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/28/2023, 2:38 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma aadeysaa mbo, hbo ama wo waxbarasho Nederlaan ah? waxaa jiro qaabab kala duwan oo aad waxbarashadaada u bixin karto. Tusaale ahaan caawinada maalgelinta waxbarashada ee Waaxda Fulinta Waxbarashada (DUO). halkan ka aqri wxii suura gal ah.

Waxbarashada aad iskaaga u bixiso

Haddii aad lacag kugu filan aad aruursatay ama waqti kugu filan oo aad waxbarashada ka sokow aad aad shaqeyso si aad lacag u hesho, waxaad dooran kartaa waxbarasho aad iskaaga u bixineysid.

Tababarada badankooda qeyb ahaan ayaa u sameyn kartaa. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad wiiga oo dhan aadan iskuulka aadeynin, laakiin dhowr beri ama aad habeenkii wax baraneyso. Sidaa awgeed ayaa si fudud isku wadi kartaa adigoo waxbaranaaya inaad shaqeyso.

Waxaa mar mar suura gal ah inaad shaqeyso iyo waxbarasho isku wado waxbarashadaada gudaheeda. Markaa waxaad shaqeysaneysaa lacag mudada aad wax baraneyso. Hoos ayaa ka aqrineysaa waxa suura gal ah.

Shaqo iyo waxbarasho mbo Nederlaan ah

Waxaad

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
mbo
isku wadi kartaa shaqo iyo waxbarasho. Waxbarashada noocan ah waxaa la yiraahdaa 'waxbarashada shaqada ku saleysan'(bbl). Waxbarashada-bbl1 beri ama dhowr jeer ayaa iskuulka aadeysaa.

Maalmaha kale qibrad shaqo ayaa kororsaneysaa oo shirkad rasmi ah. Waxbarashadaada waxaa bixinaaya qofka aad u shaqeyso. Badiyaa waxaad shaqeyneysaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
mushaharka ugu yar
shaqada aad qabato.

Shaqo iyo waxbarasho hbo ama wo oo Nederlaan ah

Xitaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
hbo
iyo
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
wo
waad isku wadi karts shaqo iyo waxbarasho. Waxbarashada noocan waxaa la yiraahdaa waxbarsho laba jihood ama 'duale opleiding' markaa iskuulka ayaa kaa caawinaaya meesha aad waxbarashada ka dhigato mar mar kula raadinaaya shaqo ku habboon waxbarashada aad dhigato. Sidoo kale iskuulka talo ayuu ku siin karaa. Waxaa heleysaa mushaharka ugu yar iyo buundooyin saacadaha aad shaqeysey.

Maalgelinta waxbarashada ee DUO: haddii aad ka yar tahay 30 jir

Ma ka yar tahay 30 jir oo ma rabtaa inaad Nederlaan waxbarasho ka qaadato? Markaa waxaad xaq u leedahay maalgelin waxbarasho. Taageeradan dhaqaalaha waxey kaa caawineysaa si aad qarashka waxbarashada u bixiso. Maalgelinta waxbarashada ka weydiiso

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DUO
.

Malgelinta waxbarashada waxey ka kooban tahay qeybo lacag oo kala duwan oo aad inaad dib u bixiso lagaa rabin haddii aad 10 sano gudaheeda aad shahaadada ku soo qaadato. Waxey ka kooban tahay:

  • Qeyb lacag ah oo aad qeyb ku bixineyso guriga iyo noloshaada ku bixiso. Taasi waxaa la yiraahdaa deeqda asaasiga

  • Kaar ay lacag la'aan ku raacdo gaadiidka dadweynaha. Tusaale si safarka guriga iyo iskuulka

  • Mar mar ayaa lacag dheeraad heleysaa si degaanka iyo nolosha. Taasi waxaa loo yaqaan deeqda dhameystirka. Waxaa qarashkan heleysaa keliya haddii waalidkaaga ay lacag yar shaqeeyaan ama sababo kale jiraan ay qarashkaaga ku bixiyaan.

Ma u baahan lacag dheeraad? Markaa waxaad ka deynsan kartaa DUO lacag aad qarashka iskuulka ku bixiso. Lacagtan waa inaad dib u bixisaa ka dib markaad waxbarashada dhaemyso. Mar mar waxaa la socda ribo.

La xariirkaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida aad u codsaneyso maalgelinta waxbarashada.

Deynta marka aad ka weyn tahay 30 sano

Ma ka weyn tahay 30 jir laakiin ma ka yar tahay 56? Iyo ma rabtaa inaad wax ka barato waxbarasho sare ama jaamacad? Markaa waxaad weydiisan kartaa 'levenlanglerenkrediet'

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DUO
.

Waxaad 'levenlanglerenkrediet' dowlada ka deynsan kartaa lacag xad ah. Lacagtani waa ugu badnaan 5 jeer lacaagta aad sannad walba ku bixineyso waxbarashada. Waxaad lacagtan u isticmaali kartaa inaad intaasi wax ku barato. Laakiin haddii aad dhameyso waxbarashada. Taasi waa inaad 15 sano gudahooda ku bixiso marka aad dhameyso.

La xariirkaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida aad u codsaneyso 'levenslanglerenkrediet'.

Deyn waxbarasho ama deeq waxbarasho la weydiisanaayo

Ma u baahan tahay taageero waxbarasho si aad u bixiso waxbarashadaada? Waxaa jiro ururo kala duwan oo aad deyn waxbarasho ama deeq waxbarasho weydiisan karto. Waxbarashada aad dhigan rabto, ayaad warbixin ka weydiin kartaa wixii suura gal ah ee deeqda waxbarashada.

Waxaa websaaytka iskuulka ama jaamacada aad waxbarashada ka qaadan doonto, ku qoran yihiin tababar walba iyo warbixinta tababarka. Waxaad warbixintaasi kala xariiri kartaa iyo su'aalo weydiin kartaa waxyaalaha suura galka ah.

Qodobkan ma ku caawiyay?