Ardayda gacanta ayey taagtaa oo su'aal ayey macalinka u qabtaa.
Laga soo xigtay: Katerina Holmes

Noocyo kala duwan oo waxbarashada Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:11 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aad Nederlaan iskuul ka dhigato, adiga ayaa dooran kara nooca waxbarashada adiga ama ilmahaaga dhiganaayo. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa noocyada waxbarashada kala duwan.

Waxbarashada caadiga iyo kan gaarka ah ee dugsi hoose-iyo dugsi sare

Nederlaan waxaa jira farqi u dhexeeya waxbarahada dugsi hoose iyo dugsi sare kan caadiga iyo waxbarashada gaarka ah. Waxbarashada caadiga ah waxaa celcelis ahaan fasalkii dhigta 24 ilmo ah. Waxbarashada waa mid loogu talogalay da'da iyo darajada ardayda. Macalimiinta waxey isku dayaan iney ku xisaabtamaan kal duwanaanta ardayda, laakiin mar walba si gaar ah qof walba si gaar ah uma ogaan karaan.

Waxbarashada gaarka ah waa ardayda daryeelka gaarka ah u baahan. Ardaydan waxaa tusaale ahaan dhibaato ku qabaan waxbarashada, dhaqanka, dareenka, ama jir ahaan u xadidan. Tusaale ahaan haddii ilmahaaga si fiican wax u arkin, ama autisme-ga leedahay. Waxbarashada gaarka ah waxaa ardayda ay dhigtaan fasalo yar. Waxey kaloo helayaan casharo si gaar ugu habboon iyo caawinaad gaar ah.

Iskuulada guud iyo iskuulada ama jaamacadaha gaarka ah

Nederlaan waxaa kaloo lagala saaraa iskuulada guud iyo iskuulada gaarka ah. Iskuulada guud wey u furan tahay dhamaan arday walba. Waxbarashada kuma saleysno diin ahaan ama caqiido. Waa ey jiraan iskuulo guud oo cashar ku bixiyo hab waxbarasho gaar ah.

Iskuulada gaarka ah waxey bixiyaan casharo ku saleysan diinta ama caqiidada. Tusaale ahaan waxaa jira iskuulo kirishtaan ah iyo kuwo islaami ah Nederlaan. Waxaa kaloo jira iskuulo bixiyo casharo falsafad gaar ku saleysan, sida iskuulada madax banaan. Iskuulka gaarka ah sharuudo ayuu ardayga ku xiri karaa, tusaale ahaan inuu haysto diin gaar ah. Laakiin iskuulada gaarka ah sida iskuulada guud oo kale lama oggola inaad la is cunsiriyeeyo. Iskuulka diiniga tusaale ahaan kama soo horjeesan karo khaniisnimada

Haddii aad rabto inaad ogaato iskuulada kuu dhow, weydii degmadaada ama meesha aad joogto.

Qodobkan ma ku caawiyay?