Seddex qof oo faraxsan ayaa dhismaha ka soo baxaaya iyagoo buugaag gacmaha ku wada.
Laga soo xigtay: Keira Burton
Muhiim
Warbixin
Waxaad soo qaaday la qabsashada bulshada
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:46 GD

Ma ku baastay imtixaanka la qabsashada bulshada iyo ma heysataa cadeynta ka qeyb galka(PVT) ma soo saxiixday? Markaa waad dhameysey la qabso bulshada oo waxaa qaadaneysaa shahaadadaada.

Natiijada imtixaanka la qabsasho bulshada

Waxaad heleysaa natiijada imtixaanka la qabsashada bulshada 8 wiig gudahooda markaad sameyso imtixaanka ugu dambeeya. Waxaad natiijada ka heleysaa warqad ahaan

Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)
.

'Mijn inburgering'
Waxaad kaloo natiijada imtixaanka ka arki kartaa 'Mijn inburgering' ee DUO. Markaasi waa inaad gelida isqorida sameysaa ee DigiD.

Waxaad heleysaa shahaado

Ma sameysey 'jidka-B1'ama 'jidka axbarashada'? Markaa shahaado ayaa qaadaneysaa. Shahaadada 4 wiig gudahooda ayaa guriga laguugu soo dirayaa. Waxaa shahaadada ku qoran darajada luqada ee aad soo qaaday la qabsashada bulshada.

Ma sameysey 'jidka-isku filnaansho nafsada'? Markaa ma heleysid shahaado, laakiin nooc cadeyn kale ayaa heleysaa. shahaado ka qeyb gal. Cadeyntan waxaa ku siinaaya degmada. Waxaa cadeynta ku qoran inaad la qabsasho bulshada aad soo qaaday iyo darajada luqada aad heysato.

Cadeynta rasmiga ee shahaadada la qabsasho bulshada waad soo dejisan kartaa

Ma u baahan tahay cadeyn rasmi ah oo la qabsashada bulshada? Markaa shahaadada ayaa tusin kartaa ama cadeyn ayaa soo dejin kartaa. Taasi waxey suura gal tahay 2 wiig ka dib marka uu natiijada imtixaanka ugu dambeeya soo baxo. Ka dibna cadeynta ayaa soo dejin kartaa xagga 'Mijn diploma's' ee DUO. Cadeyntan waxaa la yiraahdaa 'soo saarida'.

Soo saarista waxey leedahay isla qiimaha koobiga rasmiga ah ee shahaadada la qabsashada bulshada. Soo saarista waa lacag laáan. Isticmaal soo saarista keliya mida dhijitalka. Mid la soo daabacay ansax ma aha.

'Mijn diploma's' (shahaadooyinkeyga)
Soo deji cadeyn rasmi ah ee shahaadada la qabsashada xagga websaaytka DUO. Taasi waa inaad gelida isqorida ee DigiD ku sameysaa.

La qabsashada bulshada waxaa loogu baahan yahay si aad u hesho deganaansho joogto ah

Ma rabtaa deganaansho joogto ah inaad ka weydiisato Nederlaan? Markaa waa inaad dhowr sharuudo oo kale sisoo kale inaad qaaday la qabsashada bulshada.

Sharciga deganaanshaha joogtada ah
Boggan ayaa ka aqrineysaa waxa uu yahay sharci deganaansho joogtada ah. Iyo waxaa ka aqrineysaa sida aad sharci deganaansho joogto ah aad u weydiisaneyso.
Maxey kula tahay qodobkan?