• Bilowga
  • Ma ku baastay imtixaanada la qabsashada bulshada
Seddex qof oo faraxsan ayaa dhismaha ka soo baxaaya iyagoo buugaag gacmaha ku wada.
Laga soo xigtay: Keira Burton

Ma ku baastay imtixaanada la qabsashada bulshada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/3/2024, 6:26 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma ku baastay imtixaanka la qabsashada bulshada iyo ma heysataa cadeynta ka qeyb galka(PVT) ma soo saxiixday? Markaa waad dhameysey la qabso bulshada oo waxaa qaadaneysaa shahaadadaada.

Natiijada imtixaanka la qabsasho bulshada

Waxaad heleysaa natiijada imtixaanka la qabsashada bulshada 4 wiig gudahooda markaad sameyso imtixaanka ugu dambeeya. Waxaad natiijada ka heleysaa warqad ahaan

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)
.

Waxaad heleysaa shahaado

Ma qaaday 4 qeybood ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Imtixaanka qaranka Nederlaan oo luqada 2aadl (Nt2)
ma soo qaaday? iyo qeybta ugu dambeeya 1 janaayo 2021 ka dib miyaa sameysey? Markaa waxaad shahaadada 4 wiig gudaheeda ka heleysaa boostada.

Ma soo qaaday 4 qeybood ee imtixaanka ka hor 1 janaayo 2021? Markaa ma heleysid shahaado caadi ah, laakiin cadeyno ka qeyb qaadasho. Waxaad DUO weydiisan kartaa shahaado adigoo e-mail u diraayo nt2@duo.nl.

Cadeynta rasmiga ee shahaadada la qabsasho bulshada waad soo dejisan kartaa

Ma u baahan tahay cadeyn rasmi ah oo la qabsashada bulshada? Markaa shahaadada ayaa tusin kartaa ama cadeyn ayaa soo dejin kartaa. Taasi waxey suura gal tahay 2 wiig ka dib marka uu natiijada imtixaanka ugu dambeeya soo baxo. Ka dibna cadeynta ayaa soo dejin kartaa xagga 'Mijn diploma's' ee DUO. Cadeyntan waxaa la yiraahdaa 'soo saarida'.

Soo saarista waxey leedahay isla qiimaha koobiga rasmiga ah ee shahaadada la qabsashada bulshada. Soo saarista waa lacag laáan. Isticmaal soo saarista keliya mida dhijitalka. Mid la soo daabacay ansax ma aha.

La qabsashada bulshada waxaa loogu baahan yahay si aad u hesho deganaansho joogto ah

Ma rabtaa deganaansho joogto ah inaad ka weydiisato Nederlaan? Markaa waa inaad dhowr sharuudo oo kale sisoo kale inaad qaaday la qabsashada bulshada.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Bilaabida la qabsashada bulshada ka hor 1 janaayo 2022