Ilmo faraxsan oo waalidkooda sariirta la saaran.
Laga soo xigtay: Ketut Subiyanto

Gunnada marka ad caruur leedahay

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/20/2024, 5:28 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma leedahay daqli hooseeya iyo 1 ama caruur ka badan? Markaa waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay gunnooyin. Gunnooyinka waa daqli dheeraad ah oo dowlada aad ka heli karto haddii aad daqli yar heysato.

Lacagta ilmaha oo waalidiinta oo dhan

Dhamaan waalidiinta Nederlaan waxey helayaan lacag dowlada marka ay ilmaha daryeelayaan da'dooda ka yar 18 jir. Taasi waxaa la yiraahdaa lacagta ilmaha. Waxaa lagu siinayaa lacagta ilmaha 3 bilood walba. Lacagta ilamahwaxaa la bixiyaa wiiga koowaad ee janaayo, abril, julay iyo oktoobar.

Ka dib markaad sharci deganaansho heshay, waxaa laga bilaabo seddexda bilood koowaad ee ki xiga aad xaq u leedahay lacagta ilmaha. Markaa ma heshay 15 agoosto sharci deganaansho? Markaa waxaad xaq u leedahay laga bilaabo 1 oktoobar. Taasi waxaa lagu siin doonaa wiiga 1 aad ee janaayo.

Qadarka lacagta ilmaha waxey ku xiran tahay da'da ilmaha. Waxaa 2024nheleysaa 3 bilood walba inta u dhaxeysa € 279,49 iyo € 399,27 ilmo waliba.

Mar mar waxaa heleysaa lacagta ilmaha laba mara aad heleysaa

Ma qarash badan ayaa ilmahaaga ku baxaa? Waxaa suura gal ah inaad hesho lacagta ilmaha oo laba mar ah. Tusaale ahaan haddii uu ilmahaaga uusan waxbarashada darteeda uusan guriga deganayn. Ama haddii uu ilmaha guriga degan yahay iyo daryeel xooggan u baahan yahay.

Codsashada lacagta ilmaha

Waa inaad lacagta ilmaha aad ka codsataa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Bangiga ceymiska Bulshada (SVB)
. Qofka la xariirkaaga ee
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada ee ururada kale ayaa taasi kaa caawini kara.

Ma degan tahay xerada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA)
? markaa waa inaad COA weydiisataa caawinaad codsashada ah.

Miisaaniyad ku xiran ilmaha oo loogu talo galay waalidka daqligooda yar yahay

Marka uu daqligaaga yar yahay waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay miisaaniyad ku xiran ilmaha, miisaaniyada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega canshuuraha
. Tani waa lacagta ilmaha ayey ka gaar tahay oo waalidka daqligooda hooseeyo. Markaasi waa inaad sharuudaha hoos ku qoran ka soo baxdaa:

  • Waxaad leedahay 1 ilmo ama ka badan oo ka yar 18 jir ah.

  • Waxaad heleysaa lacagta ilmaha.

  • Daqligaaga (iyo kan lamaanhaaga) ma noqon karo mid koreeya. Meeqa ayaa kasban kartaa, waxey ku xiran tahay inta ilmood aad leedahay

  • Adiga (iyo lamaanahaaga) ma aha inaad lacag keyd ah heysataan.

Badiyaa si toos ahaa miisaaniyada ku xiran ilmaha laguugu soo shbayaa haddii aad xaq u leedahay

Haddii aad xaq u leedahay manfacyada iyo lacagta ilmaha, waxaad heleysaa miisaaniyada la xariira ilmaha si toos ah haddii aad xaq u leedahay.

Ma u maleyneysaa inaad xaq u leedahay miisaaniyada ilmaha ku xiran, laakiin ma helin? Markaa sikaaga ayaa u weydiisan kartaa Adeega Canshuuraha. La xariirahaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Uruka Qaxootiga Caawiya(VWN)
ama caawiyaha bulshada ee ururada kale ee arrimahan kaa celin kara.

Marka aad heysato sharci deganaansho, markaa ma heleysid dhaqaale gunno ah ee COA oo ilmahaaga.

Gunnada xanaanada caruurta

Ilmahaaga ma aadaa xanaanada caruurta? Waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay gunnada xanaanada cruurta. Tani waa qarash ay dowlada ku caawineysa bixinta qarashka xanaanada caruurta.

Ma leedhay lammaane? Markaa waxaa keliya aad xaq ugu yeelan kartaa gunnada xanaanada caruurta haddii uu lammaanahaaga joogo Nederlaan ama waddan ka mid ah Yurubta Midowday degan yahay. Waxaa intaa dheer inaad sharuudaha hoos ku qoran ka soo baxdo:

Adiga (iyo lammaanahaaga) waa shaqeysaan, waxaad dhigataan koorsada la qabsashada, tababar, ama mashruuc xagga shaqoDhib ma laha hadii aad shaqo bixiye u shaqeyso ama aad qof iskii u shaqeysta. Ma dhigataa tababar? Markaa waa inuu tababarka ahaadaa mid ay dowlada Nederlaan aqoonsan tahay. Taasi waxaa ka weydiin kartaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO
).

Xanaanda waa inuu ahaadaa mid ka diiwaangashanDiiwaangelinta Xanaanada caruurta(LRK) Iyo waa inuu xanaanada heystaa nambar-LRK. Nambarkaa la'aantiisa ma weydiisan kartid gunnada.

Haddii uu lamaanahaaga degan yahay Yurubta midowday banaankeeda, waxaad lacag ka heli kartaa degmada

Haddii aad leedahay lammaane Yurubta Midowday (EU) ka baxsan degan, ma heleysid kabista xanaanada ilmaha. Laakiin degamadad ayaa ku caawini karta. Waxey suur gelin karaan inaad lacag hesho, si aad ilmaha u aado xanaanada ilmaha. Markaa waxaad ka baran kartaa luqada Nederlaanka. Kala xariir arrintan degamadaada.

Adiga waa inaad qeyb qarashka xanaanada iska bixisaa

Tani waa qeybta iskaaga aad u bixineyso. Waxaad qeybta kale ku bixineysaa gunnada xanaanada caruurta. Xaaladaha qaarkood degmada ayaa iyagana qeyb yar ka bixin kara xanaanada caruurta.

Codsashada gunnada

Waxaad lacagta ilmaha aad ka codsan kartaa 'Mijn toeslagen' van de Belastingdienst.

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DigiD
ayaa u baahan tahay. La xariirahaaga
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada ee ururada kale ayaa taasi kaa caawini kara codsashada lacagtaasi.

Isbedelada daqligaaga isla markii u gudbi

Haddii aad lacag dheeraad ama naaqus aad sahqeyneyso, waa inaad isla markii aad u gudbisaa Adeega Canshuurha. Haddii akle mar dambe ayaa lacag dibb u bixineysaa. Ama heleysaa wax ka yar oo gunno ah adigoo xaq u leh.

Sidoo kale waxaa la xariirahaaga VWN ama hagahaaga bulshada ayaa kaa caawin kara.

Qodobkan ma ku caawiyay?