• Bilowga
  • Lacag
  • Kabista daryeel caafimaadka si aad u bixiso ceymiska daryeel caafimaadka
Qalabka dhaqtarka wax ku dhageysto iyo lacagta warqada.
Laga soo xigtay: Pxhere

Kabista daryeel caafimaadka si aad u bixiso ceymiska daryeel caafimaadka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:51 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma leedahay daqli yar? Tusaale ahaan maadaama aad qaadato ceyrta ama malagelinta waxbarashada? Waxaa suura gal ah inaad hesho kabista dayeelka caafimaadka. Tani waa qarash xagga dowlada ah si aad u bixiso ceymiska caafimaadka.

Gunnada caafimaadka

Marka aad xerada qaxootiga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka(COA)
uga soo guurto degmo, waxaa waajib kugu ahinaad sameysato ceymiska daryeelka caafimaadka.

Markaa ka dib waxaa suura gal ah inaad weydiisato kabista caafimaadka. Tani waa qarash ay kuu soo celineyso dowlada si lagaaga caawiyo inaad ceymiska caafimaadka ku bixiso. Markaa waa inaad sharuudaha soo socda ka soo baxdaa:

Daqligaaga ma aha inuu sareeyo

Daqligaaga waa inuusan 2024 ka koreynin € 37.496,-sannadkii si aad xaq ugu yeelato kabista caafimaadka. Ma leedahay lammaane? wadajir labadiina daqligiina waa inuusan ka sareynin € 47.368,- sannadkii.

Hantidaada (lacagta keydka) waa ineysan sareynin

Waxaa 2024 ma heysan kartid hanti ka badan € 140.213,- si aad xaq ugu yeelato kabista caafimaadka. Badiyaa lacagta keydka waa hantida. Ma leedahay lammaane? isku darkii hantidiina ma ka koreyn karto € 177.301,-.

Waxaad jirtaa 18 sano ama ka badan

Laga bilaabo 18 jir waxaa leedahay ceymis daryeel caafimaadka. Iyo waxaad weydiisan kartaa kabista caafimaadka. Ma gaareysaa mar dhow 18? markaa waqti fiican sameyso ceymis caafimaadka kuu gaar ah. Waxaa kabista caafimaadka laga bilaabo bisha aad 18 aad noqotay.

Codsashada gunnada

Waxaad lacagta ilmaha aad ka codsan kartaa 'Mijn toeslagen' van de Belastingdienst.

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DigiD
ayaa u baahan tahay. La xariirahaaga
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada ee ururada kale ayaa taasi kaa caawini kara codsashada lacagtaasi.

Isbedelada daqligaaga isla markii u gudbi

Haddii aad lacag dheeraad ama naaqus aad sahqeyneyso, waa inaad isla markii aad u gudbisaa Adeega Canshuurha. Haddii akle mar dambe ayaa lacag dibb u bixineysaa. Ama heleysaa wax ka yar oo gunno ah adigoo xaq u leh.

Sidoo kale waxaa la xariirahaaga VWN ama hagahaaga bulshada ayaa kaa caawin kara.

Qodobkan ma ku caawiyay?