Warqad lacag ah oo la laalaabay sida guri
Laga soo xigtay: Pixabay

Kabista ijaarka si aad u bixiso ijaarka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/28/2023, 2:37 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma ijaaratay guri? Waxaa suura gal ah inaad kabis ijaar xaq u leedahay. Tani waa daqli dheeraad ah oo aad dowlada ka heli karto haddii uu daqli hooseeyo leedahay. Tusaale ahaan haddii aad qaadato ceyrta ama maalgelinta waxbarashada.

Gunnada ijaarka

Gunnada ijaarka waa qarash ay dowlada bixiso oo lagaaga caawinaayo inaad ijaarka ku bixiso. Waa inaad sharuudahan ka soo baxdaa si aad xaq ugu yeelato gunnada ijaarka:

Daqligaaga ma aha inuu sareeyo

Lama oggola inaad wax siyaado ah shaqeyneyso. Keligaa maa degan tahay ama qof ayaa la degan tahay? Markaa qarashka wuu kala duwanaan karaa. Waxaa websaaytka Adeega Canshuuraha ka xisaabin kartaa haddii aad gunnada ijaarka xaq u leedahay.

Ma leedahay ilmo guriga kula degan oo daqli leh? Markaa waa inaad daqligooda qeyb ka mid ah ama kulli lagu xisaabiyaa codsiga gunnanada.

Ijaarkaaga ma aha inuu sareeyo

Inta xadka uu ijaarkaaga noqon karo, wax yar wuu isbedelaa sannad walba. Websaaytka Adeega Canshuuraha ayaa ka heleysaa xadka ijaarka.

Dhamaan dadka degan guriga ma ka yar yihiin 23 jir? Markaa ijaarka ugu badnaantiisa wuu hooseeyaa, keliya haddii aad ilmo leedahay oo kula degan.

Waa inaad guri madax banaan heysataa

Guriga madax banaan wuxuu leeyahay koleyba albaab hore oo u gaar ah oo la xiri karo, kushiin iyo musqul.

Laakiin dhamaan guryaha madax banaan kuma heleysid gunnada ijaarka. Sida doonta la deganaado ama guryaha fasaxa tusaale ahaan uma heleysid gunnada ijaarka. Guryaha aad adaxbanaaneyn qaar waad u heli kartaa gunnada ijaarka.

Hantidaada (lacagta keydka) waa ineysan sareynin

Lama oggola inaad heysato hanti badan, sida lacagta keydka.

Codsashada gunnada

Waxaad lacagta ilmaha aad ka codsan kartaa 'Mijn toeslagen' van de Belastingdienst.

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DigiD
ayaa u baahan tahay. La xariirahaaga
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada ee ururada kale ayaa taasi kaa caawini kara codsashada lacagtaasi.

Isbedelada daqligaaga isla markii u gudbi

Haddii aad lacag dheeraad ama naaqus aad sahqeyneyso, waa inaad isla markii aad u gudbisaa Adeega Canshuurha. Haddii akle mar dambe ayaa lacag dibb u bixineysaa. Ama heleysaa wax ka yar oo gunno ah adigoo xaq u leh.

Sidoo kale waxaa la xariirahaaga VWN ama hagahaaga bulshada ayaa kaa caawin kara.

Qodobkan ma ku caawiyay?