Qof ayaa ku haaya kaarka bankiga laptop-ka agtiisa. Waxa meesha yaala buuga xisaabta iyo taleefoon.
Laga soo xigtay: Anna Shvets
Qodob

Tani waa inaad maaliyad ahaan haddii adiga ama ilamah 18 jira

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/17/2025, 11:24 GH

Isla markii uu ilamhaaga noqdo 18 jir waxaa muhiim ah inaad xagga maaliyada waxyaalahan sameysaa. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa la rabi inaad dabirto iyo qaabka aad u sameyneyso.

Weydiisashada DigiD

Marka aad 18 noqoto waa inaad

DigiD
weydiisato. waxaa DigiD waa nooc baasaboorka dhijitalka. Halkaasoo aad dowlada tuseyso qofka aad tahay marka aad online-ka wax ku dalbaneyso dowlada. Waxaa tusaale ahaan weydiisan kartaa kabista ama isqorida waxbarashada.

Weydiiso DigiD halkan

Isla markii aad weydiisato codsiga waxaa 3 wiig gudahooda aad heleysaa warqad aad ku shaqeysiiso oo nambar ku qoran.

Ceymiska caafimaadka iyo kabista caafimaadka la dalbado

Isla markii aad 18 jir noqoto waa waajib inaad sameysataa ceymiska caafimaadka kuu gaar ah. Taasi waa mi online-ka mid laga sameyn karo. Adiga ayaa dooran kara ceymiska aad rabto. waxaa ceymiska caafimaadka waa mid aad bil walba bixisaa lacag xadidan. Taasi waxaa loo yaqaan lacagta joogtada ee caafimaadka.

Isla markii aad 18 jir noqoto waxaa codsan kartaa kabista caafimaadka. Taasi waa lacag aad ka heleyso dowlada si aad qeyb ka mid ah ama gebigeeda ugu bixiso qarashka caafimaadka. Ama kabista caafimaadka inaad heleyso waxey ku xiran tahay daqligaaga. Keliya marka uu daqligaaga yar yahay, ayaa weydiisan kartaa kabista caafimaadka.

Sidaan ayuu u shaqeeyaa ceymiska caafimaadka ee waajibka ah

Boggan ayaa ka aqrin kartaa ceymiska caafimaadka ee Nederlaan.

Kabista daryeelka caafimaadka iyo bixiska ceymiska caafimaadka

Boggan ayaa ka aqrin kartaa marka aad xaq u leedahay kabista ceymiska caafimaadkasi aad u bixiso ceymiska caafimaadka.

Kabista qarashka iskuulka ama maalgelinta waxbarashada la weydiisanaayo

Si lagaaga kabo qarashka iskuulka ama waxbarashada sare waxaad dowlada ka weydiisan kartaa inaad hesho qarash lacag inaad hesho ama aad deynsato si aad iskuulka u bixiso ama waxbarashada u bixiso. Lacagtaasi waa tusaale ahaan waa:

  • buugaagta

  • Qarashka gaadiidka dadweynaha

  • Lacagta casharka

Kabista qarashka iskuulka ama maalgelinta waxbarashada waxaad ka weydiisan kartaa

Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)
. Iyagaa fiirinaaya inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Maalgelinta waxbarashada waa inaad mbo, hbo, ama waxbarashada jaamacada dhiganeysaa. Waxaad kabista qarashka weydiisan kartaa haddii adiga ama ilmahaaga wei dugsiga sare dhigto.

Xagga DUO ayaa lacagta ka weydiisan kartaa

Waxaad u baahan tahay DigiD si aad taasi u sameyso.

Laga bilaabo 18 jir waa inaad canshuur bixisaa iyo sameysaa canshuur gudbinta

Ma jirtaa 18 jir ama ka badan oo heysataa shaqo? Markaa waa waajib inaad canshuur ka bixisaa lacagta aad shaqeyso. Taasi waxaa loo yaqaanaa cnshuurta daqliga. Haddii aad meel mushahar aad qaadato ka shaqeyso markaa waxaa toos u bixinaaya shaqo siiyahaaga.

Hadana waa inaad dhamaadka sannadka canshuurta waa inaad sameyso canshuur gudbin. ma dooneysaa inaad canshuur gudbin sameyso oo 2023? Markaa waxaa sameyn kartaa 1 maarso 2023 iyo 14 julay 2024. Markaa warqad ama e-mail ayaa ka heleysaa dowlada. Markaad canshuur gudbinta sameyso waxaa ay fiirineysaa

Adeega canshuuraha
haddii aad xadka saxda ah ee canshuurta aad bixisey. Haddii aad wax ka badan aad bixisay taa waa laguu soo celinayaa. waxaa kaloo suura gal ah inaad adiga wax dib u bixiso maadaama uu shaqo siiyahaaga wax yar mushaharkaaga ka gooyey.

Waxaad canshuur gudbinta ka sameyneysaa waaxda canshuuraha

Waxaad u baahan tahay DigiD si aad gudbinta canshuuraha u sameyso

Adiga ayaa ka mas'uul kaah lacagtaada

Isla markii aad 18 jir noqoto adiga ayaa ka mas'uul ka ah lacagtaada. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad adiga xisaabtaada bangiga mas'uulka tahay. Weli malihid xisaan bangi? Markaa waa laguu oggol yahay laga bilaabo 18 jir inaad xisaab bangi sameysato.

Ma u baahan tahay taageero xagga arrimaha lacagta?

Tijaabada Geldfit ayaa ka arkeysaa caawinaada aad adigalaga yaabo heli karto ee arrimaha lacagta.

Lacagta ilmaha iyo masruufka ilmaha

Marka aad 18 jir noqoto ka dib, la idinma siinaayo adiga iyo waalidkaaga lacagta ilmaha. Ma qaataa hal waalidkaaga ka mid ah lacag masruufka ilmaha? Laga bilaabo 18 jir lacagtan adiga ayaa qaadan kara. Waxaa fiican inaad taasi waalidkaaga kala hadasho.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful