• Bilowga
  • Guriyeynta
  • Waxan ayaad sameyn kartaa haddii guriga lagu siiyey uu xaaladaada ku haboooneyn
Saf ah guryaha shicibka ee ijaarka.
Laga soo xigtay: CorporatieNL

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii guriga lagu siiyey uu xaaladaada ku haboooneyn

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/16/2023, 9:14 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Degmada miyaa ku siisay guri aan xaaladaada ku haboonayn? Tusaale ahaan uri ku yar reerkaaga. Waxaa suura gal ah in degmada ay guri kale kuu heli karto. Taasi waa inaad sababo aad u fiican u heysataa.

Degmada waa iney guri kugu habboon ay kuu bandhigtaa

Degmada waa iney guri kuu heshaa xaaladaada ku habboon. Haddii degmada guri kuu heshay oo kugu habboon, waa inaadan gurigaasi diidin. Xaaladaha qaarkood waad u sheegi kartaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dejinta Magangelyodoonka (COA)
inuusan guriga kugu haboonayn. Arrimahan waa inuu guriga habboon lahaadaa

Guriga waa inuu ku filnaadaa inta qofood ee degi doonta

Guriga waa inuu weynidiisa la eg yahay inta qofood ee reerka ka kooban yahay. Ilaa weynida guriga yahay, waxey ku xiran tahay inta qofood ee guriga degeysa.

Ma weydiisatay keenista reerka, laakiin weli reerkaaga ma imaanin Nederlaan? Waxaa suura gal ah in marka hore adiga guri lagu siiyo adiga kugu filan. Haddii reerkaaga ay Nederlaan imaadaan, ayaa la idiin siinayaa guri weyn oo idinku filan reerka oo dhan.

Guriga waa inuu ahaadaa met la soo geli karo

Ma kugu adag tahay socodka ama ma fadidaa kursiga la riixo? Markaa waa in degmada kuu heshaa guri sidaa loogu talo galay. Tusaale ahaan iyadoo lagu siiyo guri aan lahayn jaraanjar.

Ma u aragtaa guriga ay degmada kuu soo bandhigeyso inuusan xaaladaada ku haboonayn? la tasho qofka aad la xariirto

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada ee urur kale. Qofkaasi ayaa ku taageeri kara.

Kala hadal COA arrinta haddii guriga uusan ku haboonayn xaaladaada

Guri kuma haboona xaaladaada? Ama ma jiraan sababo kale oo aad u maleyso inuusan guriga adiga kugu haboonayn? Waxaad markaasi ogeysiineysaa qofka adiga kuu qaabilsan ee COA. Waxaa COA fiirineysaa hadii aad saxsan tahay. Waxaa jiro 2 arrin oo suura gal ah:

COA wey kugu raacsan tahay

Waxaa COA u aragtaa in guriga uusan ku haboonayn xaaladaada. Markaa laguma xisaabtamin si fiican xaaladaada iyo nidaamka degsan. Degmada waxey kuu bandhigeysaa guri kale.

COA kuguma raacsana

Waxaa COA u aragtaa inuu guriga ku habboon yahay xaaladaada. Waxaa COA kula talineysaa inaad guriga aad ogolaato oo aad ka dib iskaaga guri kale u raadsato. Ma ogolaan weydey guriga? Markaa COA xaakinka ayey aadeysaa.

COA ma waxey aadeysaa xaakinka?

Haddii COA ay xaakinka aado oo iyaga garta uu siiyo xaakinka, waxan ayaa dhacaaya:

Markaa ma sii joogi kartid xerada

Taasi ma sameyn weydey? Markaa COA waxey boliiska weydiin kartaa inuu xerada kaa saaro. Taasina waa inaad iskaaga u bixisaa. Taasi waxey kalifeysaa € 2000,-. oo yuuro ah.

Hadda adiga ayaa mas'uul ka ah sidaad guri u hesho

Hadda COA iyo degmada mas'uul kama aha ieny guri kugu habboon kuu helaan. Waa inaad toos iskaaga guri u raadisaa. Iyadoo uu Nederlaan ka jiro guryo la'aan muddo aad u dheer ayey kugu qaadan kartaa ilaa aad guri ka heleyso. Mudada u dhaxeysa ma sii joogi kartid xerada COA.

Ma ka sii dacwoon kartid maxkamada sare go'aanka xaakinka ka dib

Sharciga deganaanshaha magangelyada kama sii dacwoon kartid go'aanka xaakinka. Markaa qatar weyn ayaad qaadaneysaa marka aad guriga COA ogolaan weydo marka ay COA u aragto inuu guriga xaaladaada ku habboon yahay.

Qodobkan ma ku caawiyay?