Koox dad ah oo taagan maxkamada horteeda
Laga soo xigtay: Google images
Qodob

Racfaan ka qaadashada go'aanka IND

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:26 GH

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) wey soo diideen codsigaaga magangelyodoonka. Maxaad sameyn kartaa haddii aad diidmada ku raacsanayn?

Sidan ayaa racfaanka qaadashada go'aanka IND uu yahay

Haddii aadan ku raacsanayn go'aanka

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
garyaqaankaaga ayaa racfaan qaadaaya maxkamada. Kala hadal garyaqaankaaga hadaad taasi rabto. Haddii garyaqaankaaga racfaan qaado, xaakinka ayaa go'aaminaaya inuu go'aanka IND sax yahay iyo in kale. Xaakinka ma go'aaminaayo inaad markaa sharci deganaansho heleysid. Xaakinka uma sii guda gelaayo go'aanka nuxurkiisa. Xaakinka fiirinayaa keliya in IND dacwada si wanaagsan u fulisay.

Haddii uu xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda ah u fulinin, waa in IND go'aan cusub ay soo gaaraan. Haddii xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda u fulisay, waa inaad Nederlaan ka baxdaa. Ama waxaad ka qaadan kartaa maxkamad sare ama kartaa codsi magangelyo cusub.

Sidan ayaa maxkamad sare uga qaadaneysaa

Kuma raacsanid go'aanka maxkamada? Markaa garyaqaankaaga ayaa maxkamad sare kaaga qaadaaya

Maxkamada Sare(RVS)
. Kala hadal garyaqaankaaga haddii aad taasi rabto. IND iyagana go'aanka maxkamad sare wey ka qaadan karaan go'aanka maxakamada.

Maxkamaddan sare waxa kale oo badanaa loo yaqaan Qaybta 'Afdeling'. Waaxdu sidoo kale ma eegto waxa ku jira kiiskaaga. Qaybtu waxay hubisaa in maxkamaddu si sax ah u xukuntay

Golaha Dawladdu waa maxkamadda ugu sarraysa ee Nederlaan. Tani waxay ka dhigan tahay inaadan sii wadi karin dacwadaha gudaha Nederlaan ka dib go'aanka Golaha Dawladda. Waa inaad aqbashaa go'aankaas.

Laguuma ogola inaad joogto Nederland si aad u sugto go'aanka

Haddii aad racfaan uga qaadato maxkamadda go'aanka IND, inta badan waxaad joogi kartaa Nederland ilaa uu xaakimku go'aan ka gaarayo. Hadii aad markaas racfaan ka qaadato xukunka xaakimka, arintu sidaas maaha. Waxaad markaas weydiisan kartaa garsoorka tan. Tan waxaa lagu magacaabaa adeeg ku meel gaar ah (vovo). Codsigan lagu sii joogo Nederlaan ilaa garsooruhu uu go'aan ka gaarayo sidoo kale waa la diidi karaa.


Maxey kula tahay qodobkan?