Xarunta arrimaha sharciga (Juridisch Loket)
Xafiiska Sarciga "Het Juridisch Loket' wuxuu bixiyaa talo bilaash ah oo dhamaan arrimaha sharciga ku saabsan, sida ijaarka, shaqo ka ceyrin ama go'aamada dowladda, laakiin kuma jiro sharciyada magangelyada. Waad wici kartaa ama aadi kartaa 1 ka mid ah 50 xafiis ay ku leeyihiin Nederlaan. Tarjumaan ayaa jira haddii aadan Nederlaanka am Inglishka ku hadlin. Waxaa mareegahooda ka heleysaa su'aalaha badiyaa la weydiiyo ee sharciyada oo laga jawaabay luqadaha Inglish, Poolishka, Bulgariyanka, Roomeeniyanka iyo Yukraynka.