• Bilowga
  • Tani waa saameynta doorashooyinka
Laga soo xigtay: Roel Wijnants

Tani waa saameynta doorashooyinka

La shaaciyey: 11/24/2023, 9:48 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Natiijada doorashooyinka wadanka Nederlaan wey soobaxeen. Xisbiga midigta PVV ayaa noqday xisbiga ugu weyn. Ka dibna waaa ku xigsaday GroenLinks, VVD iyo NSC. Halkan ka aqri waxa saameyn ey adiga kugu yeelan karto doorashooyinkan.

Kuwani waa xisbiyada ugu weyn doorashooyinka ka dib

PVV waa xisbiga ugu weyn. Waxey iyagu heystaan 37 kursi ka mid ah 150 ka kursi ee Golaha Wakiilada. Xisbiga 2aad ee ugu weyn waa GroenLinks-PvdA (25 kursi), waxaa ku xiga VVD (24 kursi) iyo NSC (20 kursi)

PVV waa xisbi midigta ah oo raba inuu "magangelyodoonka iyo qulqulka socdaalka ee Nederlaan imaanaaya iney joojiyaan" iyo "ka hortaga islaamnimada ee Nederlaan". Xisbiga 2aad ee ugu weyn waa xisbi bidixda ah GroenLinks-PvdA. Iyaga waxey rabaan inaan "qaxootiga la dayacin"iyo iney "qaxootiga dhaqso ula qabsadaan bulshada, tusaale iyadoo dhaqso loogu ogolaado iney shaqeeyaan".

Xisbiyo kala duwan ayaa wadajir dowlad u dhisaayo

Si dowlad loo dhiso Nedelaan, waxaa faa'iido leh iney jirto aqlabiyad oo ah kuraasta golaha wakiilada in la helo. Maadaama uusan 1 xisbi keliya uusan heysanin aqlabiyada. xisbiyada waa iney wada xaajoodaan si ay dowlad u dhisaan. Taasi waxaa loo yaqaanaa sameynta.* Hagaha, qaabeeye, oo ay doortaan Golaha Wakiilada ayaa hagaaya gorgortanka

Caadi ahaan waxaa bilaaba xisbiga ugu weyn inuu dhiso dowlad. Waxey fiirinaayaan iney xisbiyada kale fikradaha muhiimka ah ay heshiis ka gaari karaan. Ficil ahaan mar walba waa inaad Nederlaan la shaqeysaa xisbiyada kale si dowlad loo dhiso

Qaabkan oo wada shaqeynta xitaa erey gaar ah Nederlaan., waxaa loo yaqaan Nederlaan 'polderen'. Xaaladan oo PVV markaawaa iney xisbiyo helaan oo la wada shaqeyn kara iyo ay wax isku wada raaci karaan. Haddii taasi suura geli weyso, markaa xisbiyada kale ayaa tijaabinaaya iney wada shaqeeyn bilaabaan.

Rajada wey badan tahay iney dhalato dowlad midigta ah

Xisbiyo badan ayaa sheegay doorashooyinka ka hor ineysan rabin iney PVV la shaqeeyaan. Xisbiyada bidixda GroenLinks-PvdA hubaal ma rabaan iney wada shaqeeyaan PVV. Xisbiyada qaar sida VVD iyo NSC ayaa laga yaabaa iney la shaqeeyaan PVV. Sidaa awgeed waxaa jira fursad weyn iney dhalato dowlad midigta ah oo rabta iney waxyaalo badan bedelaan oo muhiim u ha qaxootiga tusaale

  • Dad yar ayaa Nederlaan magangelyo ka weydiisan kara iyo loo ogolaanaayaa

  • Wey adkaaneysaa in mideynta qoyska la codsado ee qaxootiga inta jooga.

  • Tas-hiilaadka qaxootiga Nederlaan oo sii yaraan doona

Laakiin hubaal ma ahan in arrimahan ay is bedeli doonaan. Tani waa dhowr tusaale mawduucyada xisbiga doorashooyinka ka dib noqday midka ugu weyn.

Muddo ayey qaadaneysaa ilaa waadix uu noqonaayo waxa is goorta sharciyada is bedelaayaan

Nederlaan sharciyada iyo maamulka si dhaqso ah isuma bedelaan. Ilaa ay sharciyada iyo maamulka is bedelaan waa in marka hore dowlad cusub ay imaadaa. Taasi mar mar waqti dheer ayey qaadataa. Markii ugu dambeeyey ee dowlada la sameynaayey waxey qaadatay 299 beri maadaama xisbiyada ay isku raacayaan

Waxaa jira rajo ah in haddana ay muddo qaadato ilaa dowlada cusub ka dhalaneyso. Xisbiyo siyaasi badan ayaa dhahay iney ku adag tahay in PVV ay la shaqeeyaan

Sidoo kale marka ay dowlada dhisanto, weli waqti dheer ayey qaadan kartaa ilaa sharciyada cusub iyo nidaamyada cusub la sameeynayo ee magangelyada iyo mideynta qoyska ku saabsan. Taasi waxaa keenaaya maadaama waxyaalaha uu PVV bedeli rabo, ay adag yihiin sida loo bedelo:

  • Waxyaalaha uu PVV bedeli rabo, waxey mar mar ku shaqo leeyihiin dastuurka. Dastuurka aad ayey u adag tahay in la bedelo. Waxaa dastuurka ku qoran. Waxaa dastuurka ku qoran sharciyada ugu muhiimsan. Waa asaaska dhamaan sharciyada kale ee la sameeynaayo. Iyo waa inaad u hogaansanto xeerar iyo habraacyo badan marka aad taasi bedeli rabto

  • Waxyaalaha qaarkood oo uu PVV bedeli rabo, waxey quseeyaan sharciyada Yurubiyanka iyo wada shaqeynta Yurubta Midowday. Dowlad qaran sida Nederlaan waa iney u hogaansamaan xeerarka Yurub. Ama ay dowlda Nederlaan go'aansataa ineysan rabin iney xubin ka sii ahaato Midowga Yurub. Xitaa taasi waa adag tahay oo waqti badan ayey qaadaneysaa.

Nederlaan dowlada keliya ma heysato awooda

Nederlaan ma aha dowlada keliya oo awood u leh ieny waxyaalaha bedelaan. Waxaa dimuqraadiyada Nederlaan waxaa kaloo jira in xaakinada, Wasaarada Xeer ilaalinta guud, Senaatka iyo Golaha wakiilada ayaa saameyn ku leh sida iyo sharciyada kuwa la sameeynaayo. Iyo waxey sii baaraan sharciyada. Dowlada markaasi wax walba keligeeda ma go'aamin karto.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?