Imaanshaha Nederlaan
Waxaad timid Nederlaan qaxooti ahaan. Haddii aad dhul ahaan u soo gashay waa inaad aadaa Ter Apel si aad magangelyo u weydiisato. Haddii aad ku timid diyaarad, waxaad magangelyo ka codsaneysaa garoonka Schiphol.
Muuqaalada sare
.

Markaad dhulka ka soo gasho
Waxaad qaxooti ahaan Nederlaan ka soo gashay dhulka. Waa inaad Ter Apel aadaa si aad magangeyo u weydiisato. Waxaad Ter Apel ku aadi kartaa gaadiidka dadweynaha (tareenka iyo baska).

Marka aad diyaarad ku imaado
Markaad Nederlaan diyaarad ku imaado. Haddii aad magangelyo ka codsato garoonka diyaaradaha, waa inaad jawaabta ku sugtaa xero soo dhaweyn oo xiran oo u dhow Schiphol Airport. Waxaad halkaasi joogeysaa ugu badnaan 28 beri.