
Magangelyo kama weydiisan kartid Nederlaan hadii aad joogto dibada
La wadaag baraha bulshada:
Ma joogtid Nederlaan, laakiin wadan kale ayaa joogtaa? Markaa kama weydiisan kartid Nederlaan magangelyo. Sidoo kale magangelyo interneetka kama weydiisan kartid.
Waxaad keliya magangelyo ka weydiisan kartaa hadii aad joogto Nederlaan
Waa inaad shaqsi ahaan u joogtaa Nederlaan marka aad magangelyo weydiisaneyso.
Haddii aad diyaarad ku timid garoonka diyaarada Schiphol ee Amsterdam?
Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha
Nederlaan waxey go'aamin kartaa in wadan kale oo Yurub ah codsigaaga magangelyo ka hawl galaayo
Mudada aad iska xaadirineyso Ter Apel ama garoonka diyaaradaha ee Schiphol ayaa boliiska ku weydiinayaa su'aalo ku saabsan shaqsiydaada iyo kan reerkaaga. Wuxuu kaloo boliiska baarayaa haddii aad hore aad waddan kale oo Yurub ah uga diiwaangashan tahay. hadey sidaa ma tahay, markaa waxey u badan tahay ina wadankaasi uu codsigaaga maganagelyo ka howlgalaayo