
Kuwani waa xaquuqdaada iyo waajibaadka xerada dejinta ee COA
Qodobkaan sii wadaaji
Xerada Xarunta dhexe dejinta magangelyo (COA) waxaad la degan tahay dad kale. Xero walba wey kala duwan yihiin. Xerada waxaad leedahay xaquuqyo iyo waajibaadyo. Taasina waxii dheeraad ah boggan ayaad ka aqrin kartaa.
Xuquuqahaaga hoyga dhexdiisa
Xero walba ee
Hesho goob aad seexato
Cunto, ama lacag aad siisato cunto
Daryeelka caafimaad ee daruuriga ah iyo magdhawga kharashaadka caafimaad
Taageero
Magdhawga kharashaadka waawayn sida kharashaadka socdaalka
Caruurta ka yar 18 sano waxay xaq u leeyihiin inay waxbarasho helaan
gudbinta dacwadaha ku saabsan dadka kula degan, hoyga ama shaqaalaha COA
Saxiixida cadeynta
Xeryaha dhamaan wey kala duwan yihiin. Xeryaha qaar waxey leeyihiin adeegyo ka badan kuwa kale. Deganaanshahaaga xerada COA waa inaad saxiixdaa cadeynta xaquuqda iyo waajibaadka. Cadeyntan, waxaad ballan qaadeysaa inaad nidaamka xerada COA aad dhowreyso.
MyCOA Waxaad websaaytka COA ka heleysaa warbixinta xerada aad degan tahay
Waajibaadkaaga hoyga
Inta aad joogto hoyga, waxaad u baahan tahay inaad:
Ilaaliso sharciga Dutch-ka.
Ilaaliso sharciga guriga hoyga kuu ah.
shaqaalaha COA waa inaad u ogolaataa iney qolkaaga soo galaan baaritaanka waajibka ah.
waa inaad ugu yaraan 1 mar wiigii aad iska xaadirisaa COA. Waxa COA kuu sheegeysaa meesha iyo saacadda taasi lagaa rabo. taasi waxaa lagu magacaabaa waajibka isxaadirinta.
raacdo tilmaamaha shaqaalaha COA.
waa inaad soo celiso alaabta aad soo amaahatay adigoon waxba soo yeelin markaad baxayso. Haddii alaab ay maqan yihiin ama jaban yihiin, waa suuragal in COA kaa jarto lacagta aad wiiga qaadato.
Ogaysii COA haddii xaaladaada caafimaad ay isbadasho.
Inaad ku wada noolaataan hoyga
Badiyaa waxaad degaanka la wadaageysaa dad kale oo xerada ku jira. Dadka aad wada degan tihiin ayaa ka heshiineysiin ku saabsan dadka idiin soo booqanaayo iyo nadiifinta guriga. Waxaad tusaale ahaan sameysan kartiin jadwal nadiifinta ah.
Cuntooyinka/cunto karinta hoyga
Haddii aad xero muddo ah degan tahay, badiyaa cuntada ma karsaneysid. Waxaa cuntada ku siinaaya COA. Haddii aad xero dejinta magangelyodoonka (AZC) degan tahay, badiyaa adigaa wax karsanaaya. Waxaa lagu siinayaa lacag aad cunto ku soo gadato.
Kharashaadka todobaadlaha ah ee hoyga
Xerada muddada ah badiyaa laguma siinaayo lacag wiiga ah. Markaa joogto AZC badiyaa lacag wiiga ah ayaa lagu siinayaa.
Hawlaha hoyga
Xeryaha dejinta qaarkood waxaad ka dhigan kartaa casharo Nederlaanka ama shaqo tabaruc ayaad qaban kartaa. Ilmaha waxaa xeryaha qaarkood ay leeyihiin siboorti, ciyaaro, dhaqanka iyo muusiga. Xero walba isla wixii lagama helo. Xerada muddada ah wayaalo badan lagama helo.
Dhar dhaqashada xerada soo dhaweynta
Xero kastaa wuxuu leeyahay qol dharka lagu dhaqo halkaasoo aad ku maydhan karto oo aad ku qalajisan karto dharka. Qolkani wuxuu furan yahay wakhtiyo cayiman.