Waalidka waxey la qoslayaan wiilkooda

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato mideynta reerka ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:03 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan sharci magangelyodoon ka heysanin Nederlaan. Haddii aad rajo badan leedahay inaad sharci deganaansho oo magangelyodoonka ah, mar mar waad isku sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.

Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan heysanin sharci deganaansho

Ma weydiisan kartid mideynta qoyska haddii aadan weli heysanin deganaansho magangelyo. Waxaad mideynta qoyska codsan kartaa ka dib marka IND codsigaaga magangelyodoonka ay ogolaadaan. Markaa ayaad ogaaneysaa inaad Nederlaan sii joogi karto. Mar mar waqti dheer ayey qaadataa ilaa codsigaaga magangelyada laga ogolaanaayo.

Haddii codsigaaga magangelyodoonka la oggolaaday, waa inaad codsiga mideynta reerka u gudbisaa IND 3 bilood gudaheeda.

Diyaarinta mideynta reerka

Haddii aad ka timid waddan aad rajo badan leedahay inaad magangelyo hesho, sida Suuriya, Turkiga ama Yaman, markaa waad isu sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.

Markaa waad sii aruurin kartaa dokumentiyada aad u baahan tahay codsiga. Mar mar aruurinta dokumentiga waqti dheer ayey qaadataa. Tusaale ahaan, haddii dokumentiyada loo baahan yahay in laga diro wadanka aad ka timid.

Fadlan la soco:la tasho qofka adiga kuu qaabilsan ee VluchtelingenWerk Nederland haddii aad ka hor sii aruurineyso dokumentiyada codsiga mideynta reerka.

Sug ilaa dokumentiyadaada laga soo tarjumo

Dokumentiyada rasmiga ee aad u aruurisay mideynta reerka waxaa loo baahan yahay in la atrjumo. Tarjumida dokumentiyaasha waxey kugu qaadaneysaa qarash lacag ah. Waa inaad adiga iska bixisaa qarashka tarjumaada. Sidaa awgeed, waxaa kuu fiican inaad la sugto tarjumida dokumentiga ilaa aad sharciga deganaansho ee magangelyodoonka ka heleyso.

Qodobkan ma ku caawiyay?