Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Dacwada magangelyodoonka oo la sii dheereeyey

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/15/2023 3:08 GD

Ma u baahan tahay IND muddo dheeraad oo ay codsigaaga magangelyada uga shaqeeyaan? Markaa waxaa aadeysaa Dacwada magangelyada la Dheereeyey (VA). Waxaa IND go'aamineysaa taasi wareysiga 2aad ka dib haddii aad VA aadeyso. Waxaa VA uu socon karaa dhowr bilood.

Waxaad ku jirtaa Nidaamka Kordhinta Magangalyodoonka (VA) haddii:

  • waxaa IND u baahan tahay waqti dheeraad ay codsigaaga magangelyada uga goundefinedaamiso.

    tusaale ahaan IND waa iney baaritaan dheeraad sameysaa.

  • ilaa muddo ma jiro tarjumaan ku hadla luqadaada.

  • dad ka mid ah reerkaaga ayaa iyagana ku jira VA.

  • ilaa muddo ma jiro shaqaale IND oo diyaar ah oo leh qibrad kaafi ah si uu uga shaqeeyo codsigaaga.

  • Inaad jiran tahay oo ay tahay inaad marka hore soo bogsato.

Looma baahna mudada VA inaad aado xafiiska- IND haddii IND suundefinedaalo dheeraad ah kuu qabin. IND ayaa kula soo xariireyso haddii ay suundefinedaalo dheeraad ah qabaan. Mudada VA waxaa caawino ka heleysaa garyaqaan lacag laundefinedaan ah.

Waxaa IND waajib ah iney ku soo go'aamiso 21 bilood gudahooda

Waxaa IND waajib ah iney ku soo goundefinedaamiso 21 bilood ka dib markaad magangelyada codsatay. Taasi waxaa lagu magacaabaa ‘mudada goundefinedaaminta’ ee IND.

Go'aanka 1aad ee IND

WaxaaINDgaareysaa goundefinedaanka 1aad ee codsigaaga magangelyodoonka iyadoo algu saleynaayo wareysiyada, dokumentigaaga iyo cadeymada kale. Taasi waxaa la yiraahdaa undefinedgoundefinedaanka horeundefined. Waxaa suura gal ah 2 arrimood:

  1. IND ayaa codsigaaga magangelyada aqbashay:waxaad warqad ka heleysaa IND. Waxaa warqada ku qoran in IND codsigaaga magangelyada aqbashay. Ka dib waxaad codsan kartaa deganaansho aan ku xirnayn waqti xadidan. Sharciga deganaanshaha 5 sano gudahooda waa lagaa ceshan karaa. Tusaale haddii wadankaaga uu nabad noqdo. Waxaa kaloo IND ay kaa ceshan kartaa haddii ay cadaato inaadan runta sheegin mudadii codsiga magangelyada.

  2. IND waxey ku talo jirtaa iney codsigaaga magangelyodoonka soo diido:waxaad IND ka heleysaa warqad ku qoran in IND ku talo jiraan iney codsigaaga magangelyo soo diidayaan. Warqadaan waxa loo yaqaan undefineddiidmada la damacsan yahayundefined. Warqadaan waxaa ku qoran sababaha loo soo diidaayo iyo wixii cawaaqib ay kugu yeelaneyso.

Jawaabtaada marka ay IND codsigaaga magangelyada soo diido

Waxaad warqada IND kala hadleysaa garyaqaankaaga. Garyaqaanka wuxuu heystaa 1 beri oo uu warqada IND uga jawaabo. IND waa iney ku xisaabtantaa warqada garyaqaanka. Marka la aqriyo warqada garyaqaanka, waxey IND soo goundefinedaamineysaa in goundefinedaanka 1aad wax laga bedelaayo.

Cawaaqibta ay leedahay haddii IND codsigaaga magangelyodoonka soo diido

Ma sii joogi kartid Nederlaan oo waa inaad ku noqotaa waddanka aad ka soo jeedo. Waxa

Adeega dib u Noqoshada iyo Bixitaanka (DT&V)
kula yeelaneysaa wadahadal ku saabsan dib u noqoshadaada