Dadka la dejiyey xerada dejinta deg dega hoolka isboortiga

Waxaan deganahay hoyga mudada ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/28/2024, 8:49 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaad joogtaa xarunta qaabilaada degdega maadaama uu xerada caadiga uu buuxo. Badiyaa lama yaqaan mudada aad halkan joogeyso. Mar mar waa inaad u guurtaa xeryo meelo kale ah.

Hoyga mudada ah

Hoyga mudada ah ma laha tas-hiilaad la mid mida xeryaha caadiga ah. Tusaale hoyga oo ah xero isboortiga, teendho weyn ama iskuul qadiim ah oo muddo la isticmaalaaya. Waxaad badiyaa la seexaneysaa dad badan hal meel ( sariirta xerada ama sariiro isdul saaran). Degmada aad degan tahay ayaa mas'uul ka ah hoyga. Ma degan yahay qof reerkaaga ka mid ah xero caadi adigana hoyga mudada? Badiyaa uma guuri kartid qofkaasi reerkaaga ah maadaama ay boos jirin.

Waxan ayaad xaq u leedahay hoyga mudada ah

  • Sariir

  • Cunto iyo cabitaan

  • Baakad alaabta daryeelka jirka (saabuun iyo shaambo)

  • Daryeel caafimaad

Waxaad kaloo xaq u leedahay

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
qarashka lagu noolaado
marka uu si rasmi ah u bilowdo dacwadaada. Tani waa marka aad hesho ballanta labaad eewareysiga
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
.

Tas-hiiladka xerada mudada ah

  • Badiyaa wuu jiraa Wi-Fi.

  • Badiyaa ma jiro kushiin ama matbaq cunto kuu gaar ah ku sameysato. Waxaa lagu siinayaa cunto.

  • Waxaa jiro tashiilaad ka yar xeryaha caadiga ah. Mar mar waxaad qaadan kartaa cashar luqada Nederlaanka ah. ama waxaad sameyn kartaa shaqo tabaruc ah. U sheeg shaqaalaha jooga qaabilaada waxa aad rabto. Waxaa mar mar jira fursado.

  • Maalintii waqtigaad rabto waa bixi kartaa. Waa inuu jiraa meel lagaala xariiro e-mailka ama telefoon wixii ku saabsan dacwadaada magangelyodoonka. Adiga ayaa mas'uul ka ah nafsadaada arrintan.

  • Ma heysataa ballan IND oo wareysiga ah? waxaa xarunta aad joogto kuu diyaarinayaan gaadiidka. Adiga iskaaga uma bixineysid qarashka.

  • Waxaa laguu oggol yahay ilaa 20 kilo oo alaab ah inaad ku heysato xerada mudada ah.

Fadlan la soco:Haddii aadan weli codsanin magangelyo (sidaa awgeed aadn weli heysanin nambarka-V), markaa weli ceymis kuma jirtid. Taasi u sheeg saacadaha qaabilaada ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk (VWN)
ama
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta dhexe ee Dejinta magangelyodoonka(COA)
ee jooga xerada. Iyaga ayaa arintan qoraaya. Waxaad markaa heleysaa ballan lagu diiwaangelinaayo sida ugu dhaqsaha badan.

Ilmaha jooga xerada mudada ah

  • Dhamaan ilmaha ka yar 18 jir waxey xaq u leeyihiin waxbarasho. xerada mudada ah waxaa mararka qaarkood ka jirin waxbarashada ilmaha. Taasi waxa keentay macalimiinta oo yar. VWN ayaa dowlada arrintan iney isbedel ka sameeyaan.

  • Waxaa xerada mudada waxaa badiyaa ka jira dhaqdhaqaaqyo yar oo ilmaha loo abaabulo. Sida ciyaaraha(games), muusikada iyo isboortiga. Mar mar ma laha meel fiican ay ilmaha ku ciyaaraan.

Waxa suura gal ah inaan lagu geynin xarunta qaabilaada mudada ah haddii:
Qodobkan ma ku caawiyay?