
Laga soo xigtay: IND
Iska diiwangelinta Ter Apel
Qodobkaan sii wadaaji
Si aad magangelyo uga weydiisato Nederlaan, waxaad iska diiwaangelineysaa tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaacodsigaaga boliiska Nederlaanka.
Iska diiwaangeli IND
Markaad imaado Ter Apel waa inaad iska diiwaangelisaa
magacaaga
taariikhdaada dhalasho
wadanka aad ka soo jeedid
xubnaha qoyskaaga ee kula soo safray
luqada aad ku hadasho
sababta aad usoo qaxday
Waxaa IND ku siineysaa warqad. Warqadaasi waxaa ku qoran taariikhda aad isa soo dhiibtay.
Wadahadalka boliiska
Marka la gaaro waqtigaaga, waxaad warqada IND la aadeysaa boliiska
magacaaga
taariikhdaada dhalasho
meesha aad ku dhalatay
hadii aad wax reerkaaga joogaan Nederlaan
luqada aad ku hadasho
sababta aad usoo qaxday
Boliiska sawir ayey kaa qaadayaan iyo faraha astaantooda. Boliiska warbixintaada, sawirkaaga iyo farahaaga astaantooda waxey ka diiwaangelinayaan qaab qaran ah:
Nambar ayaa lagu siinayaa oo nidaamka ah. Taasi waxaa lagu magacaabaa
.nambarka-VWaxaa kaloo heleysaa kaar sawirkaaga ku dhegan, warbixinta shaqsiga iyo 'nambarka-V'. Kaarkan waxaa la yiraahdaa
. Ma helin 22 juunyi 2023 ee dokumentiga- W? Markaa wuxuu soconaayaa 12 bilood. Ma heshay 22 juunyo ama ka dib dokumentiga-W, markaa 18 bilood ayuu soconaayaa.W-documentBoliiska xagooda ayaa ka saxiixeysaa codsigaaga magangelyo. Taasi waxaa la yiraahdaa
.foomka-M35H
Boliiska waxey kaloo baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga. waxaa suura gal ah iney kaa qaadaan taleefoonkaaga ama alaab kale ay kaa qaadaan si ay u soo baaraan. Haddii boliiska alaab ay kaa qaadaan, waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah. Warqad si fiican u xafid. Alaabtaasi mar dambe ayaa dib u soo qaadaneysaa adigoo warqadaasi cadeynta dhiibanaaya
Halkan ka aqri dokumentiga aad u geyneyso IND. Iyo ka aqri qaabka aad ugu geyneyso.
Iska sheeg xagga VluchtelingenWerk haddii aadan weli boliiska aadin
Marmar ayaa waqti u dhexeeyaa ilaa diiwaangelinta IND iyo wadahadalka boliiska.Ma aadin boliiska iyo ballan lama lihid aad ku aado boliiska Ter Apel ama Budel? Markaa aad VluchtelingenWerk. Waxey ku leeyihiin xafiis xerada dejinta. Shaqaalaha VWN ayaa u gudbinaaya boliiska inaad weli sugeyso in lagu diiwaan geliyo oo loo baahan yahay in lagu diiwaangeliyo
Ma jiro boosas kaafi ah Ter Apel
Iyadoo aad loo buuxo darteed waxaa jira waqti sugitaan ah. Sidaa awgeed ayaa mar mar lagu geynaayaa
Iska diiwaangelinta Ter Apel muddo dheer ayey qaadan kartaa
La soco iney muddo dheer ay qaadan karto ilaa IND iyo boliiska ay ku diiwaangelinayaan. IND iyo boliiska aad ayey shaqada ugu badan tahay. Labada ururba ma heystaan shaqaale ku filan oo ay uga shaqeeyaan cadadka codsiyada magangelyodoonka sidaa awgeed ayaa diiwaangelinta muddo dheer u qaadan kartaa.
Tallaabooyinka intooda kale ee taxanahan ee dacwada magangelyodoonka adiga kuma quseeyaan haddii:
Aad ka timid waddan ay dowladda Nederlaan u aragto iney amaan tahay:
Waxaa IND codsigaaga magangelyo kaga howl galeysaa dacwad kale
Waxaa IND codsigaag magangelyo uga howl galeysaa dacwada Dublin