Dacwada Guud ee Magangelyada
Ma ka soo gashay Nederlaan xagga dhulka? Markaa waxaad magangelyo ka weydiisaneysaa Dacwada Guud ee magangelyada. waxaad ka weydiisaneysaa tuulada Nederlaanka ee Ter Apel. Halkan ka aqri sida uu dacwada magangelyo u shaqeeyo.
Goobta ay qaxootiga iska diiwaangeliyaan Ter Apel
Laga soo xigtay: IND
Warbixin
Iska xaadirinta Ter Apel
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 7/17/2024, 7:25 GH

Si aad magangelyo uga weydiisato Nederlaan, waxaad iska diiwaangelineysaa tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.

Iska diiwaangeli IND

Markaad imaado Ter Apel waa inaad iska diiwaangelisaa

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
. Waxey IND weydiineysaa:

  • magacaaga

  • taariikhdaada dhalasho

  • wadanka aad ka soo jeedid

  • xubnaha qoyskaaga ee kula soo safray

  • luqada aad ku hadasho

  • sababta aad usoo qaxday

Waxaa IND ku siineysaa warqad. Warqadaasi waxaa ku qoran taariikhda aad isa soo dhiibtay.

Wadahadalka boliiska

Marka la gaaro waqtigaaga, waxaad warqada IND la aadeysaa boliiska (

Qeybta Boliiska ajaanibta, aqoonsiga iyo ka ganacsiga dadka, AVIM
). Markaa waxaad la hadleysaa boliiska. Boliiska wuxuu weydiinayaa:

  • magacaaga

  • taariikhdaada dhalasho

  • meesha aad ku dhalatay

  • hadii aad wax reerkaaga joogaan Nederlaan

  • luqada aad ku hadasho

  • sababta aad usoo qaxday

Boliiska sawir ayey kaa qaadayaan iyo faraha astaantooda. Boliiska warbixintaada, sawirkaaga iyo farahaaga astaantooda waxey ka diiwaangelinayaan qaab qaran ah:

Basisvoorziening Vreemdelingen (BVV)
.

  • Nambar ayaa lagu siinayaa oo nidaamka ah. Taasi waxaa lagu magacaabaa

    nambarka-V
    .

  • Waxaa kaloo heleysaa kaar sawirkaaga ku dhegan, warbixinta shaqsiga iyo 'nambarka-V'. Kaarkan waxaa la yiraahdaa

    W-document
    . Ma helin 11 sebtember 2024 ee dokumentiga- W? Markaa wuxuu soconaayaa 18 bilood. Ma heshay 11 sebtembar ama ka dib dokumentiga-W, markaa 2024 bilood ayuu soconaayaa.

  • Boliiska xagooda ayaa ka saxiixeysaa codsigaaga magangelyo. Taasi waxaa la yiraahdaa

    foomka-M35H
    .

Boliiska waxey kaloo baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga. waxaa suura gal ah iney kaa qaadaan taleefoonkaaga ama alaab kale ay kaa qaadaan si ay u soo baaraan. Haddii boliiska alaab ay kaa qaadaan, waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah. Warqad si fiican u xafid. Alaabtaasi mar dambe ayaa dib u soo qaadaneysaa adigoo warqadaasi cadeynta dhiibanaaya

Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Boggan ka aqri dokumentiyadee aad u geyn karto IND. Iyo ka qaabka aad ugu geyneyso.

Iska sheeg xagga VluchtelingenWerk haddii aadan weli boliiska aadin

Marmar ayaa waqti u dhexeeyaa ilaa diiwaangelinta IND iyo wadahadalka boliiska.Ma aadin boliiska iyo ballan lama lihid aad ku aado boliiska Ter Apel ama Budel? Markaa aad VluchtelingenWerk. Waxey ku leeyihiin xafiis xerada dejinta. Shaqaalaha VWN ayaa u gudbinaaya boliiska inaad weli sugeyso in lagu diiwaan geliyo oo loo baahan yahay in lagu diiwaangeliyo

Mar mar ayaan jirin xeryo dejin oo kaafi ah

Sidoo kale ma jiro boosas dejin Ter Apel. Sidaa awgeed ayaa mar mar lagu geynaayaa mudada isdhiibitaanka

hoy muddo ah
oo meesha u dhow. Sida hadda xaalada tahay waxaad joogeysaa halkan ilaa wiigag. marka dowrkaaga la gaaro waxaa dib laguu celinaayaa Ter Apel ama Budel si aad u dhameystirto codsigaaga.

Iska diiwaangelinta Ter Apel muddo dheer ayey qaadan kartaa

La soco iney muddo dheer ay qaadan karto ilaa IND iyo boliiska ay ku diiwaangelinayaan. IND iyo boliiska aad ayey shaqada ugu badan tahay. Labada ururba ma heystaan shaqaale ku filan oo ay uga shaqeeyaan cadadka codsiyada magangelyodoonka sidaa awgeed ayaa diiwaangelinta muddo dheer u qaadan kartaa.

Tallaabooyinka intooda kale ee taxanahan ee dacwada magangelyodoonka adiga kuma quseeyaan haddii:

Aad ka timid waddan ay dowladda Nederlaan u aragto iney amaan tahay:

Waxaa IND codsigaaga magangelyo kaga howl galeysaa dacwad la dedejiyey
Mala tahay IND inaad wadan amaan ah aad ka soo jeedid? Markaa adigana dacwada magangelyodoonka ee la dedejiyey ayaad mareysaa. Ka aqri boggan waxa micnaheeda tahay marka wadan amaan ah laga soo jeedo iyo waxa loola jeedo dacwada la dedejiyey.
Boliiska arko inaad hore waddan kale oo Yurub ah uga diiwaangashan tahay:

Waxaa IND codsigaag magangelyo uga howl galeysaa dacwada Dublin
Boggan ayaa ka aqrineysaa wax dheeraad ku saabsan dacwada Dublin.


Maxey kula tahay qodobkan?