Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Goobta ay qaxootiga iska diiwaangeliyaan Ter Apel
Laga soo xigtay: IND

Iska diiwangelinta Ter Apel

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/9/2024, 3:15 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Si aad magangelyo uga weydiisato Nederlaan, waxaad iska diiwaangelineysaa tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.

Iska diiwaangeli IND

Markaad imaado Ter Apel waa inaad iska diiwaangelisaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
. Waxey IND weydiineysaa:

  • magacaaga

  • taariikhdaada dhalasho

  • wadanka aad ka soo jeedid

  • xubnaha qoyskaaga ee kula soo safray

  • luqada aad ku hadasho

  • sababta aad usoo qaxday

Waxaa IND ku siineysaa warqad. Warqadaasi waxaa ku qoran taariikhda aad isa soo dhiibtay.

Wadahadalka boliiska

Marka la gaaro waqtigaaga, waxaad warqada IND la aadeysaa boliiska

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Qeybta Boliiska ajaanibta, aqoonsiga iyo ka ganacsiga dadka, AVIM
). Markaa waxaad la hadleysaa boliiska. Boliiska wuxuu weydiinayaa:

  • magacaaga

  • taariikhdaada dhalasho

  • meesha aad ku dhalatay

  • hadii aad wax reerkaaga joogaan Nederlaan

  • luqada aad ku hadasho

  • sababta aad usoo qaxday

Boliiska sawir ayey kaa qaadayaan iyo faraha astaantooda. Boliiska warbixintaada, sawirkaaga iyo farahaaga astaantooda waxey ka diiwaangelinayaan qaab qaran ah:

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Basisvoorziening Vreemdelingen (BVV)
.

  • Nambar ayaa lagu siinayaa oo nidaamka ah. Taasi waxaa lagu magacaabaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    nambarka-V
    .

  • Waxaa kaloo heleysaa kaar sawirkaaga ku dhegan, warbixinta shaqsiga iyo 'nambarka-V'. Kaarkan waxaa la yiraahdaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    W-document
    . Ma helin 22 juunyi 2023 ee dokumentiga- W? Markaa wuxuu soconaayaa 12 bilood. Ma heshay 22 juunyo ama ka dib dokumentiga-W, markaa 18 bilood ayuu soconaayaa.

  • Boliiska xagooda ayaa ka saxiixeysaa codsigaaga magangelyo. Taasi waxaa la yiraahdaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    foomka-M35H
    .

Boliiska waxey kaloo baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga. waxaa suura gal ah iney kaa qaadaan taleefoonkaaga ama alaab kale ay kaa qaadaan si ay u soo baaraan. Haddii boliiska alaab ay kaa qaadaan, waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah. Warqad si fiican u xafid. Alaabtaasi mar dambe ayaa dib u soo qaadaneysaa adigoo warqadaasi cadeynta dhiibanaaya

Iska sheeg xagga VluchtelingenWerk haddii aadan weli boliiska aadin

Marmar ayaa waqti u dhexeeyaa ilaa diiwaangelinta IND iyo wadahadalka boliiska.Ma aadin boliiska iyo ballan lama lihid aad ku aado boliiska Ter Apel ama Budel? Markaa aad VluchtelingenWerk. Waxey ku leeyihiin xafiis xerada dejinta. Shaqaalaha VWN ayaa u gudbinaaya boliiska inaad weli sugeyso in lagu diiwaan geliyo oo loo baahan yahay in lagu diiwaangeliyo

Ma jiro boosas kaafi ah Ter Apel

Iyadoo aad loo buuxo darteed waxaa jira waqti sugitaan ah. Sidaa awgeed ayaa mar mar lagu geynaayaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
hoy muddo ah
oo meesha u dhow. Waxaad joogeysaa halkan dhowr beri ilaa wiigag. Waxaa dib laguu celinaayaa Ter Apel ama Budel si aad u dhameystirto codsigaaga.

Iska diiwaangelinta Ter Apel muddo dheer ayey qaadan kartaa

La soco iney muddo dheer ay qaadan karto ilaa IND iyo boliiska ay ku diiwaangelinayaan. IND iyo boliiska aad ayey shaqada ugu badan tahay. Labada ururba ma heystaan shaqaale ku filan oo ay uga shaqeeyaan cadadka codsiyada magangelyodoonka sidaa awgeed ayaa diiwaangelinta muddo dheer u qaadan kartaa.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Dacwada magangelyada