Wareysiga 1aad ee IND
Qodobkaan sii wadaaji
Waxaad leedahay wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Waqtiga wareysigan waxey IND ku weydiineysaa su'aalo adiga iyo safarkaaga Nederlaan ku saabsan.
Casumaada wareysiga
Casumaada wareysiga 1aad ee
Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga
Wareysiga waxey IND hubinayaan iney warbixintaada sax yihiin. Waxa IND ku weydiinayaan suundefinedaalo kugu saabsan, u qixidaada Nederlaan iyo sababta(ha) aad u soo qaxday. IND wareysigan kuma sii weydiineyso sababaha oo faahfaahsan. Waxaad leedahay wareysi 2aad oo aad si faahfaahsan u sheegi karto.
Tan ayaa muhiim ah inaad ogaato si aad isu diyaariso
Waxaa aad u muhiim ah in wareysiga 1aad ee IND la leedahay isla waxii aad ku sheegto ee aad wareysiga 2aad ku sheegeyso. Tusaale ilaa mudada aad iskuulka soo dhigatay iyo waqtiga aad soo qaxday. Ama wax kale oo muhiim ah oo noloshaada ku saabsan.
Sheeg waqtiga wadahadalka si daacad ah xubnaha reerkaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso in qoyska laguu keeno, IND waxey fiirinayaan inaad reerkaaga hore wareysiga ugu sheegtay.
Mudada wadahadaladaasi ee IND waxaad soo qaadan kartaa xasuus aad qoratay. Waxaad sameyn kartaa waqtiyada muhiimka ee noloshaada si aad u xasuusnaato. Taariikhda ma ogid? markaa si run ah ugu sheeg IND.
Mudada wareysiga ee IND waxaad siin kartaa dokumentiga caawinaaya arrintaada.
Waxaa jooga tarjumaan luqadaada ku hadla
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa suundefinedaalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa kaasi kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha goundefinedaanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
La soco: Isla markii sheeg haddii aad tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin. Waxaa muhiim ah inaan is afgaran waa abuurmin maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.