
Laga soo xigtay: IND
Wareysiga 1aad ee IND
Qodobkaan sii wadaaji
Waxaad leedahay wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Waqtiga wareysigan waxey IND ku weydiineysaa su'aalo adiga iyo safarkaaga Nederlaan ku saabsan.
Casumaada wareysiga
Waxaad boostada laguugu soo dirayaa casumaada wareysiga 1aad ee
Waxaad kaloo fiirin kartaa MyCoa haddii ay boosto kuu taalo. Haddii aad ku qorto V-nambarka ku buuxisaa, ma arkeysaa baqshad cagaaran ama gaduud ah. Baqshada cagaaran waa micnaheeda tahay in boosto kuu taalo. Ma jirtaa baqshad gaduudan micnaheeda tahay inaan boosto kuu yaalin
Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga
Wareysiga waxey IND hubinayaan iney warbixintaada sax yihiin. Waxa IND ku weydiinayaan su'aalo kugu saabsan, u qixidaada Nederlaan iyo xubnaha reerkaaga ka kooban yahay. IND wareysigan 1 aad kuma sii weydiineyso sababaha oo faahfaahsan. Waxaad leedahay wareysi 2aad oo aad si faahfaahsan u sheegi karto.
Tan ayaa muhiim ah inaad ogaato si aad isu diyaariso
Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.
Mudada wadahadalada IND kula yeelaneyso waad so qaadan kartaa qoraal xasuus aad qoratay. Waxaad qoran kartaa waqtiyada muhiimka ah ee noloshaada inaad sii qorato si aad u xasuusnaato. Taariikhda ma ogid miyaa? Markaa si run ah ugu sheeg IND. Mudada wadahadalka IND waad dhiiban kartaa dhamaan dokumentiyada caawinaaya arrimahaaga.
Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay
Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanka wuxuu ka yimid wadankaaga aad ka soo jeedo, wuu madax banaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.
Waxaad mudada wareysiga isdhiibitaanka weydiisan kartaa tarjumaan ku hadla lahjadaada iyo tarjumaan kula jinsi ah.
Waxaa jira muddo dheer oo sugitaanka IND
Waxaad celcelis sugeysaa 18 wiig wareysigaaga koowaad ee IND.