Sugitaanka wareysiga 2aad ee IND
Wareysiga 1aad ee Adega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ka dib waa inaad sugtaa wareysiga 2aad. U isticmaal waqtigaasi inaad is diyaariso. Mudada sugitaanka waxey celcelis ahaan qaadataa 1 sano ka badan.
Dhiibo dokumentigaaga mudada sugitaanka
Waa muhiim inaad soo ururiso waqtiga sugitaanka dokumantiyo kuwaasoo aqoonsigaaga iyo arrinta qixitaankaaga caawinaaya.
Waxaad heli doontaa warbixino kaaga yimaada VluchtelingenWerk (VWN)
VWN waxey kaloo kaa caawini karaan arrimaha sharciyada. Iyo aruurinta dokumentiga iyo cadeymada. Caawinada VWN waa mid madaxbanaan oo lacag laundefinedaan ah.
Waxaad suura gal ah inaad marto baaritaanka tiibishada
Kalkaalisada xerada ayaa baareysa haddii aad qaaxo qabto. kalkaalisada waxey sameyneysaa haddii loo baahdo sawiro raajo ah oo sambabadaada. Ma qabtaa qaaxo? Markaa taasi daawo ayaa lagu siinayaa.
Joogistaada mudada sugitaanka
Mar mar ayaa mudada aad sugeyso dhowr jeer laguu bedelayaa xerooyin kale oo Nederlaan ah. Taasi waxaa keeneysa maadaama waqtigan xaadirka boosas badan uusan ka banaaneyn xeryaha dejinta. Sidaa awgeed waxaa lafurayaa xerooyin deg dega oo ilaa muddo furan, kuwaasoo muddo gaaban la isticmaalaayo.
Dadka qaar ayaa muddo ka dheer dadka kale sugaaya
Badiyaa waadix ma aha sababta dadka qaarkood dhaqso tookadooda loo gaaro ee wareysiga 2aad ee IND. Taasi shaqo kuma laha waddanka aad ka timid.
VWN waxey isku deydaa iney arrintan wax dheeraad ka ogaato