Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Sugitaanka wareysiga 2aad ee IND

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/9/2024, 3:15 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ka dib waa inaad sugtaa wareysiga 2aad ee IND. Waxaad waqtigaasi u isticmaali kartaa inaad is diyaariso. Mudada sugitaanka waxey celcelis ahaan qaadataa 37 wiig.

Aruurso dokumentigaaga mudada sugitaanka

Waa muhiim inaad soo ururiso waqtiga sugitaanka dokumantiyo kuwaasoo aqoonsigaaga iyo arrinta qixitaankaaga caawinaaya.

Waxaad heli doontaa warbixino kaaga yimaada VluchtelingenWerk (VWN)

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VWN
kuu sharaxayaan waxa aad la kulmi doonto mudada dacwada kuu socoto. Iyo waxa ay yihiin xaquuqdaada iyo waajibaadkaaga. Warbixinta keli ahaan ama koox aad ka mid tahay oo aad isku luqad tihiin ayaa laguu siinayaa

VWN waxey kaloo kaa caawini karaan arrimaha sharciyada. Iyo aruurinta dokumentiga iyo cadeymada. Caawinada VWN waa mid madaxbanaan oo lacag la'aan ah.

Waxaad suura gal ah inaad marto baaritaanka tiibishada

Mar mar waxaa mareysaa baaritaan-qaaxada, taasi waxey ku xiran tahay wadanka aad ka soo jeedo. Kalkaaliso xerada joogta ayaa baareysa inaad cudurka qaaxada leedahay. Kalkaalisada ayaa haddii loo baahdo sawir raajo ah ka sameyneysa sambabadaada. Ma qabtaa qaaxada? Markaa taasi daawo ayaa lagaa siinayaa.

Mar kasta aad baaritaanka-qaaxada. Haddii aadan is baarin, IND dacwadaada wey joojin kartaa. Markaa hubi inaad ballanta aado

Joogistaada mudada sugitaanka

Mar mar ayaa mudada aad sugeyso dhowr jeer laguu bedelayaa xerooyin kale oo Nederlaan ah. Taasi waxaa keeneysa maadaama waqtigan xaadirka boosas badan uusan ka banaaneyn xeryaha dejinta. Sidaa awgeed

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
waxaa lafurayaa xerooyin deg dega badan oo ilaa
muddo furan, kuwaasoo muddo gaaban la isticmaalaayo.

Waxaa jira muddo dheer oo sugitaan ah wadahadalka 2aad

Caadi ahaan waa inaad wadahadalka 1aad ka dib ee IND ilaa 6 beri aad sugtaa wadahadalka 2aad. Laakiin maadaama IND shaqada ku badan tahay, waxey qaadataa celcelis ahaan 37 wiig ilaa wareysigaaga 2aad lagaa qaadaayo IND

Dadka qaarkood waa iney muddo ka dheer dadka kale ay sugaan.Waadix ma aha sababta dadka qaarkood ay dhaqso tookadooda loo gaaro wareysiga 2aad ee IND marka loo eego dadka qaarkood. Mar mar ayaa taasi ay ku shaqo leedahay wadanka aad ka soo jeedo, laakiin taasi mar walba sidaa ma aha

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Dacwada magangelyada