Wadahadalka 2 aad ee IND
Waxaad leedahay wareysiga 2aa ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Tani waa wadahadal muhiim u ah codsigaaga magangelyodoonka. Waxaad si faahfaahsan u sheegeysaa sababta aad u qaxday. Waxaad heleysaa garyaqaan iyo baaritaan caafimaadka.
Waxaad heleysaa garyaqaan wareysiga 2aad ka hor
Garyaqaankan looma baahna inaad adiga raadsato. Guddiga Caawinaada Sharciyada (RvR) baa kuu sameyneysa garyaqaan. Garyaqaanka wuxuu leeyahay qibrad dacwadaha magangelyodoonka. Looma baahna inaad bixisid qarashka garyaqaanka
Wax dhibaato ah ma jiro haddii uu garyaqaanka ku hadlin luqadaada. Mar walba tarjumaan ayaa jooga ballamadiina. Garyaqaanka wuxuu kaala hadlayaa wareysiga 1aad ee IND kula yeelatay iyo wuxuu kaa caawinayaa wareysiga 2aad.
Ma rabtaa inaad iskaaga garyaqaan u sameysato? Haddii uu garyaqaan dacwadaada qaato, waa inuu garyaqaanka ogeysiiyaa RvR. Markaa RvR kuuma sii raadinayaan garyaqaan. Sidoo kale garyaqaanka aad sameysaneyso waa lacag laundefinedaan.
Waxaad heleysaa baaritaan caafimaad wareysiga 2aad ka hor
Kalkaalisada urur madaxbanaan MediFirst ayaa ku baareysa in jir ahaan iyo maskax ahaan aad caafimaadkaaga fiican yahay oo aad geli karto wareysiga 2aad
Halkan ka aqri sida uu dhacaayo baaritaanka caafimaad:
Tani ayaa muhiim ah inaad ogaato markaad isu diyaarineyso wareysiga 2aad
Waxaa IND ku weydiineysaa marka wareysiga sababaha aad u soo qaxday. Waxa kaloo IND u sii guda geli doonaan jawaabaha aad bixiso
Si daacad ah, faahfaahsan iyo waadix ah u sheeg sababta aad u soo qaxday.
IND wey la socotaa xaalada guud ee waddankaaga. U sheeg sababta aad adiga shaqsi ahaan aad badbaado u baahan tahay.
Mararka qaar way adagtahay inaad ka hadasho sheekadaada qaxoontinimo. Sicad u sharax arrintan haddii aad dareemayso culays si aad arrintaa uga hadasho. Ama haddii aanad waxa xasuusanin.
Ma leedahay calaamado ama dhibaato maskaxda oo ku shaqo leh soo qixitaankaaga? U sheeg taasi IND. Waxaa IND kuu bandhigi karaan baaritaan caafimaad.
Waxaa kuu tarjumi kara iyo ku wareysan kara shaqaalaha IND oo jinsiga aad adiga tahay haddii aad rabto.
Shaqaale ka tirsan
(VWN)ayaa laga yaabaa inuu joogo waraysigaaga haddii aad rabto. Shaqaale VWN ah ayaa ku caawin doona oo qorayaa warbixinta waraysiga. Haddii codsigaaga magangalyo doonka la diido oo aad doonayso inaad racfaan ka qaadato, warbixinta shaqaalaha VWN ayaa loo isticmaali karaa racfaanka. IND waxey wareysiga ka sameyneysaa qoraal. Wadahadalka kadib waxaad kala hadleysaa garyaqaankaaga qoraalka IND. U sheeg garyaqaankaaga haddii qoraalka IND warbixin ka maqan yihiin ama sax ahayn.
Waxaa jooga tarjumaan luqadaada ku hadla
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa suundefinedaalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa kaasi kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha goundefinedaanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
La soco: Isla markii sheeg haddii aad tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin. Waxaa muhiim ah inaan is afgaran waa abuurmin maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.