Waxa IND go'aan ka gaareysaa codsigaaga magangelyodoonka
Wareysiga 2aad ka dib waxaa Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND ay gaareysaa go'aanka. IND codsigaag way aqbali karaan ama wey soo diid karaan. Ama ay IND u baahan tahay waqti dheeraad. Ka aqri halkan wixii dheeraad ah ee go'aanka ku saabsan.
Go'aanka 1aad ee IND
Waxaa
IND ayaa codsigaaga magangelyada aqbashay:waxaad warqad ka heleysaa IND. Waxaa warqada ku qoran in IND codsigaaga magangelyada aqbashay. Ka dib waxaad codsan kartaa deganaansho aan ku xirnayn waqti xadidan. Sharciga deganaanshaha 5 sano gudahooda waa lagaa ceshan karaa. Tusaale haddii wadankaaga uu nabad noqdo. Waxaa kaloo IND ay kaa ceshan kartaa haddii ay cadaato inaadan runta sheegin mudadii codsiga magangelyada.
IND waxey ku talo jirtaa iney codsigaaga magangelyodoonka soo diido:waxaad IND ka heleysaa warqad ku qoran in IND ku talo jiraan iney codsigaaga magangelyo soo diidayaan. Warqadaan waxa loo yaqaan undefineddiidmada la damacsan yahayundefined. Warqadaan waxaa ku qoran sababaha loo soo diidaayo iyo wixii cawaaqib ay kugu yeelaneyso
Waxa IND u baahan tahay waqti dheeraad oo baaritaan:IND ayaa codsigaaga kaga howlgaleysa dacwada magangeyodoonka ee la dheereeyey (VA).
Jawaabtaada marka ay IND codsigaaga magangelyada soo diido
Waxaad warqada IND kala hadleysaa garyaqaankaaga. Garyaqaanka wuxuu heystaa 1 beri oo uu warqada IND uga jawaabo. IND waa iney ku xisaabtantaa warqada garyaqaanka. Marka la aqriyo warqada garyaqaanka, waxey IND soo goundefinedaamineysaa in goundefinedaanka 1aad wax laga bedelaayo.
Cawaaqibta ay leedahay haddii IND codsigaaga magangelyodoonka soo diido
Ma sii joogi kartid Nederlaan oo waa inaad ku noqotaa waddanka aad ka soo jeedo. Waxa