
Sharuudaha shaqada lacagta lagu qaato
Qodobkaan sii wadaaji
Codsigaaga magangelyada ma ka socdaa Nederlaan 6 bilood ama ka badan? Markaa waa la oggol yahay inaad shaqo lacag ah aad ka shaqeyso iyadoo sharuudo ku xiran yihiin.
Sharuudahan adigoo ka soo baxaaya waad shaqeyn kartaa:
Waxaad heysataa
dokumentiga-W oo sax ah. Codsigaaga magangelyo 6 bilood ayaa lagu hawl jiraa. Waxaad ka xisaabineysaa waqtiga aad codsiga magangelyada
foomka -M35Haad ka saxiixday Ter Apel. Waxaad shaqeyn kartaa ugu badnaan 24 wiig sannadkii (52) wiig. Farshaxannimo ahaan waxaad ugu badnaan shaqeyn kartaa 14 wiig.
Shaqo siiyahaaga wuu kuu sameeyey sharciga shaqada (TWV) si aad ugu shaqeyso.
Daundefineddaada maka yar tahay 18 jir? Haddii aad 16 ama17 jir tahay waxaa jira nidaamyo gaar ah inta laguu oggol yahay inaad shaqeyso.
Shaqo siiyahaaga waa inuu sharciga shaqada (TWV) kuu dalbaa.
Shaqo siiyahaaga wuxuu ka dalbaayaa TWV
Ma kaa dhici rabaa TWV? markaa shaqo siiyahaaga waa inuu TWV kuu dalbaa. Waa inaad marka hor 28 wiig aad sugtaa ilaa sharci cusub aad ka heleyso. Markaa 28 kaas wiig ma shaqeyn kartid.
Haddana way dhici kartaa in shaqo siiyahaaga kuu helin sharci shaqo oo aad 28 wiig aad sugtaa. Shaqo siiyahaaga wuxuu la xariiri karaa ururka
Ma waxaa u shaqeysey shaqo siiyahaaga wax ka yar 24 wiig oo markaa ka dib aad shaqo cusub heshay? Markaa waa inuu shaqo siiyaha cusub dib kuugu weydiiyo TWV. Markaa waxaa lagu siinayaa TWV kaasoo ah 24 wiig oo laga jaray wiigaga aad hore u shaqeysey.
Haddii uu shaqo siiyahaaga ku shaqeysiiyo adigoo aan heysanin TWV, taasi waa dembi. Shaqo siiyaha waa la ganaaxi karaa. Adiga laguma ganaaxi karo.