• Bilowga
  • Shaqo
  • Waxaan ayaa muhiim ah inaad ka ogaato ka shaqeynta Nederlaan
Laba qof oo miiska ku xaajoonaaya xagga shaqada

Waxaan ayaa muhiim ah inaad ka ogaato ka shaqeynta Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/19/2024, 9:27 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Mar mar ayaa shaqo siiyaha si xun kuula dhaqmayaa. Tusaale ahaan haddii aan lacag lagu siinin ama aad shaqo aad u badan qabaneyso. Taasi waxaa loo yaqaan dhiig miirasho oo waa dembi ciqaab ka mudan Nederlaan. Ma shaqeyneysaa iyadoo aan laguu ogolayn? Xitaa markaasi xaquuq shaqaale ayaa leedahay iyo waad gudbi kartaa dhiig miirashada.

Haddii aad Nederlaan ka shaqeyso waxaad leedahay xaquuqda shaqaalaha

Haddii aad Nederlaan ka shaqeyneyso waa inaad heysato dokumentiga- W oo sannad ah? Markaa waxaad leedahay xaquuq la mid ah dadka Nederlaanka. Xitaa haddii aad shaqo siiyahaaga sharci kuu dalbin waxaad leedahay isla xaquuqda dadka Nederlaanka ee shaqeynaaya. Xaquuqdaada waa

  • Loo-shaqeeyahaagu kuma siin karo wax ka yar mushaharka ugu yar Nederland. Laga soo bilaabo Janaayo 1, 2024, mushaharka ugu yar wuxuu ahaa 13.27 euro saacaddii qof da'diisu tahay 21 iyo wixii ka weyn.

  • Wxaad xaq u leedahay maalmo fasax ah. Inta maalmeed ee ugu yaraan aad fasaxan tahay sannadkii waa mid la qoray.

  • Waxaad xaq u leedahay inaad u gudbin karto markaad xanuunsan tahay.

  • Shaqo siiyahaaga waa inuu bil walba mushaharkaaga bangigaaga kuugu soo shubaa.

  • Shaqo siiyahaaga waa inuu sugaa meel amaan ah iyo jawi caafimaad leh ahaadaa meesha aad ka shaqeyneyso.

  • Waxaad shaqeyneysaa ugu badnaan 60 saac wiigii, laakiin ma aha wiig walba.

  • Shaqo siiyahaaga waa inuu ku siiyaa mushaharka caadiga ah ee shaqada aad ku qaban doonto aqoontaada iyo qibradaada.

  • Ma ka yar tahay 18 jir? Markaa laguuma oggola inaad shaqeyso habeen ama shaqo qatar ah aad qabato.

Sidaan ayaa ku ogaaneysaa in shaqada xaqaaga lagu bidaayo

Shaqada oo xaqaaga lagu bidaayo waxyaalo badan ayey noqon karaan. Waxaa noqon kara inuu shaqo siiyahaaga kugu qasbo inaad shaqo ka badan shaqada heshiiskaaga ku qoran. Ama kugu qasbo inaad saacado badan oo isku xigo aad shaqeyso. Waxaa kala ay noqon karaan in lacag yar ama lacagba aan lagu siinin. Mar mar xaq bidida waxey noqon kartaa inaad ka shaqeyso meel xaaladeeda ay xun tahay ama in si xun shaqo siiyaha kuula dhaqmo. Sidaa ayaa xaq bidida ku aqoonsan kartaa:

  • Shaqo siiyahaaga ma rabo inuu heshiiska shaqada kuu sameeyo ama wuxuu rabaa inuu lacag kaash ah ku siiyo.

  • Waa inaad muddo dheer shaqeysaa adigo aan nasanin ama lahayn maalmo aad fasaxan tahay.

  • Waxaa lagu siinayaa lacag yar, ama laguma siinaayo ama waqti dambe ayaa lagu siinayaa lacagta.

  • Waa inaad qabataa shaqo qatar ah ama aan caafimaadka u fiicnayn ama aan dharka ama qalabka badbaadada lagu siinin aad ku shaqeysaa.

  • Shaqo siiyahaaga marka hore waa qof fiican, ka dibna wuu isbedelay.

  • Shaqo siiyahaaga wuu kugu qasbayaa inaad sameyso waxyaalo aadan rabin inaad sameyso.

  • Shaqo siiyahaaga wuu qarinaayaa inuu shego waxa uu yahay shaqada la qabanaayo ama meesha aad shaqada u aadeyso.

  • Shaqo siiyahaaga wuu ku cabsi gelinaayaa ama wuu ku handadaayaa.

  • Shaqo siiyahaaga lacagta ayuu kaa ceshanaayaa. Tusaale inaad deyn bixineyso.

  • Shaqo siiyahaaga wuxuu kaa qaadanaayaa baasaboorkaaga.

  • Shaqo siiyahaaga wuxuu yiri inaadan qofna kala hadli karn shaqada.

Xaqa shaqada oo qofka la bidaayo wey ka dhacdaa Nederlaan. Qof walba ayey ku dhici kartaa. Haddii aad Nederlaan ku cusub tahay qatar weyn ayaa ugu jiri kartaa in xaqa shaqada lagu bido. Maadaama aadan luqada iyo sharciyada si fiican u aqoon. Ama aadan u baranin sida ay Nederlaanka u shaqeeyaan. Iyo waxa caadiga ka ah Nederlaan. Sidaa awgeed si fiican uga taxadir. Waxaad leedahay isla xaquuqda Nederlaanka shaqeeya.

Waxan ayaa sameyn kartaa hadii xaqaaga lagu bidaayo

Shaqo siiyaha dadka xaqooda bidaayo waa arrin dembi ah oo ciqaab mudan Nederlaan. axaad xaq u leedahay inaad dacwad boliiska ka qortid haddii xaqaaga lagu bidaayo. Xitaa haddii aad shaqeysay adigoo aan laguu ogolayn ama heshiis shaqo la'aan ama ballan warqad ku qornayn aad shaqeysey. Boliiska ayaa intiikale ku caawinaaya. Adiga laguma ciqaabaayo haddii uu shaqo siiyahaaga wax ciqaab mudan uu sameeyey. Xaq bidista xitaa adigoon is sheegin ayaad gudbin kartaa. Qof ayaad wadan kartaa markaad boliiska aadeyso.

Xaaladaha qatarta ah wac 112. Ma jiraan wax deg deg ah? Ka wac boliiska Nederlaan (0900) 88 44. Waad u gudbisay xaq bidada boliiska? Markaa waxaad xaq u leedahay garyaqaan. Garyaqaanka waa lacag la'aan.

Ma dareemeysaa amaan daro? Ma lagu qasbayaa inaad sameyso waxyaalo aadan rabin? waxaad caawino weydiisan kartaa qofla la xariiriyahaaga ee VluchtelingenWerk. Amaankaaga waa muhiim. La xariiriyahaaga warbixintaada ilaa inii suura gal ah wuu xafidayaa oo waa kalsooni oo dad kale lama qeyb sanaayo hadii aadan adiga rabin.

Qaabkan ayaad uga feejignaan kartaa in xaqaaga lagu bido:

  • Qof sii wado marka aad shaqo siiyahaaga marka ugu horeyso aad la kulmeyso. Ama u sheeg qof aad ku kalsoon tahay inuu ogyahay meesha aad aadeyso. Kula ballan meel dadweynaha u furan.

  • Ogow waxa ay yihiin xaquuqda shaqaalaha ee Nederlaan. Laga yaabaa inaad xaquuq kale caadeysatay oo wadankaaga ka jiro, laakiin Nederlaan sharciyo kale ayaa u degsan.

  • Ballamo la sameyso shaqo siiyahaaga ku saabsan mushaharkaaga, saacadaha shaqada iyo waqtiga mushaharka lagu siinaayo. Ku dadaal iney waxyaalahan heshiiska ku qoran yihiin oo aad labadiina saxiixdeen.

  • Qoro ballamada aad sameysay. Adigana meel ku qoro saacadaha shaqada. Waraaqahaaga dokumentiga meel fiican ku xafido.

  • Marna ha bixinin baasaboorkaaga ama aqoonsigaaga oo muddo dheer lagaa heysanaayo. Shaqo siiyahaaga koobi aqoonsigaaga ah wuu ku weydiin karaa. Taasi mar mar waa loo baahan yahay marka heshiiska la sameynaayo.

  • Ka tag meesha ama weydiiso caawino haddii aad amaan daro ama qaab aan fiicnayn aad dareento mudada wadahadalka shaqada ama shaqada.

Qodobkan ma ku caawiyay?