
Laga soo xigtay: Cytonn Photography
Sidaan ayaa ku heleysaa nambarka (BSN) si aad arrimahaaga Nederlaan uga abaabusho
Qodobkaan sii wadaaji
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.
Waxyaalahan ayaa BSN u isticmaali kartaa
Waxaad
Qaabkan ayaa nambarka BSN u weydiisaneysaa
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa iskaa uweydiiso BSN. Taasina sidan ayaa u sameyneysaa:
iska qor degmada.
Waxaad si lacag la'aan iskaga qoreysaa degmada aad degan tahay. Taasi waxaa la yiraahdaa Diiwaangelinta Asaasiga ee shaqsiga (BRP). Waa inaad aadaa qeyb gaar ah oo degmada. Taasi waxaa la yiraahdaa "BRP-straat". tani waxaa ka heleysaa 5 xarumood ee Adeega Socdaalka iyi Jinsiyada:(IND). Xarumahan waxaa ka heleysaa:
Hoofddorp
Ter Apel
Budel
Zevenaar
Den Bosch
Si toos ayaa warqad BSN uga heleysaa dowlada.
Badiyaa waxaa heleysaa nambarka 4 wiig gudahooda marka aad is qorto ka dib.
Muddo dheer oo sugitaan ah
La soco oo ku xisaabtan in waqtigan xaadirka uu jiro muddo dheer oo sugitaanka ah marka leyska qoraayo BRP. Dadka heysta sharciga deganaanshaha magangelyada, ayaa mudnaanta la siinayaa marka lagu qoraayo BRP.
Mar mar ayaa mudnaan hormarin heli kartaa
Mar mar ayaa waxaa suura gal ah in si mudnaan la isku qoro iyadoo hab degdeg ah la maraayo. Habkan degdega waxaa loogu talo galay:
Dadka heysta sharciga deganaanshaha magangelyada ee hore shaqo u helay
Dadka heysta sharciga deganaanshaha magangelyada ee guri loo bandhigey
Dadka u baahan arrimo caafimaad darteeda BSN
Dadka heysta
kuwaasoo shaqsiyadooda IND ay taqaano.sharciga shaqada(TWV)
Waxaa baaliga warbixinta ee Xarunta Dejinta Maganelyodoonka (COA) ayaa u sheegi kartaa in aad xaq u leedahay isqoritaanka deg dega ee BRP iyadoo la maraayo jidka-BRP.
Mar mar iskama diiwaangelin kartid BRP
Iskama diiwaangelin kartid BRP haddii arrimahan midkood adiga ku quseeyaan:
Waxaad ku jirtaa dacwada-Dublin
Waxaad ka timid waddan ay Nederlaan u aragto wadan amaan ah
Waxaad sii heysataa sharci deganaansho oo wadan kale oo Midowga Yurub ah
Aqoonsigaaga IND weli ma xaqiijin.