• Bilowga
  • Waxbarashada
  • Waxbarashada ilmaha aan weli Nederlaanka ku hadlin iyo weli aan sharci deganaansho heysanin
Caruur fadhida safka oo fasalka ka shaqeynaaya. Macalinka ayaa socda agtooda si uu u caawiyo.
Laga soo xigtay: Max Fischer

Waxbarashada ilmaha aan weli Nederlaanka ku hadlin iyo weli aan sharci deganaansho heysanin

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/23/2024, 9:21 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heysatid weli sharci deganaansho magangelyo ah iyo ma leedahay ilmo ka yar 18 jir oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin? Markaa iskuulada waxey bixinayaan caawino si ilmahaaga af Nederlaanka u barto oo waxbarashada Nederlaan uga dhigan karo.

Mar walba xaq ayaa u leedahay waxbarashada Nederlaan

Haddii ilmahaaga Nederlaan imaado, waxaad xaq u leedahay waxbarasho. Ilmaha xitaa waa waajib iney iskuulka aadaan. Taasi waxey ku qoran tahay sharciga Nedelaan. Ilmo walba oo imaada Nederlaan inta u dhexeyda 5 iyo 16 jir ah, waa inuu iskuul aadaa.

Caawinaada waa ku habboon tahay darajada ilmahaaga

Waxaa ISK (fasalka isku xirida caalamiga) fiirinaayaan darajada waxbarashada ee ilmahaaga iyo inuu caawinaada ku habboon yahay. Haddii uu ilmahaaga bilaabo ISK waxaa la fiirinaa darajada ugu fiicn oo uu dhigan karo. Sidaa darteeda ayaa wadahadal lala yeelanaa ilmaha iyo waalidka. Taasi waxaa loo sameynaa in laga hortago si ilmaha fasal aad u fudud ama aad u culus loo geynin.

Taageerada barashada luqada Nederlaanka

Waxbarashada Nederlaan afka Nederlaanka ayaa lagu bixiyaa. Ilmaha markaasi Nederlaan yimid, ma ku hadlaan oo weli ma fahmayaan luqada Nederlaanka. Sidaa awgeed waxaa jiro caawino gaar ah oo iskuulada afka Nederlaanka lagu barto. Caawinaada jira, waxey ku xiran tahay da'da ilmahaaga

  • Caawinaada ilmaha ka yar 12 jir

Ilmahaaga maka yar yahay 12 jir? Markaa waxaa jira iskoolo gaar ah ama fasalo gaar ah oo ay leeyihiin dugsiyada hoose ee caadiga ee ilmaha

  • Caawinaada ilmaha jira 12 ilaa 18 jir

Ilmahaaga ma u dhexeeyaa 12 iyo 18 jir? Markaa waxaad aadeysaa Fasalka la qabadka ee Caalamiga (ISK). Tani waa dugsi sare oo gaar ah. Fasalkan waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka. Ilaa 1 sano ka dib wuxuu ilmahaaga aadayaa fasal caadi ah oo dugsiga sare.

Waxaa jira 3 darajo waxbarasho kala duwan ee Fasalka Waxbarashada Caalamiga (ISK)

Ilmahayga weli ma haystaan waxbarasho

Ma joogtiin adiga iyo ilmahaaga seddex bilood ka badan Nederlaan, laakiin ilmahaaga weli ma haystaan iskuul? Markaa weydii degamada ama xerada in ilmahaaga sida ugu dhaqsaha badan iskuulka u aadi karaan

Ilmahaaga weli ma aysan helin waxbarasho? U sheeg xafiiska VluchtelingenWerk ee degmadaada.

Degmada ayaa heleysa iskuul ilmahaaga ay dhigtaan

Ma degan tahay

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
xero dejinta magangelyodoonka (AZC)
iyo weli ma heysatiin adiga iyo ilmahaaga sharci deganaansho? Markaa seddex bilood gudahooda ayaa degmada iyo Xarunta Dhexe ee dejinta magangelyodoonka (COA) ugu dabirayaan waxbarasho

  • Ilmaha ka yar 12 jir waxaa xeryaha badankooda ay xerada COA dhexdeeda ku leeyihiin dugsi hoose

  • Ilmaha da'dooda u dhexeeya 12-18 jir waxaa iskuul iyo gaadiid lagu geeyo iskuulka u abaabulaaya degmada.

Qodobkan ma ku caawiyay?