Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Een klas met leerlingen en een leerkracht.

Laga soo xigtay: Arthur Krijgsman

Dugsiga hoose dhexe

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/21/2023 2:35 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ilmaha 4 ilaa 12 jir waxey aadaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose waa 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuulka aadaan laga bilaabo 4 jir. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo dugsiga hoose ku saabsan.

Waxbarashada dugsiga hoose waa lacag la'aan iyo waajib

Dugsiga hoose waxaa loogu talo galay ilmaha da'dooda tahay 4 ilaa 12 jir. Waxbarashada waa lacag la'aan oo dhamaan ilmaha, iyadoo aad loo eegin asalkooda.

Dugsiga hoose wuxuu ka kooban yahay 8 sano

Dugsiga hoose waxaa loo qeybiyey 8 sanad iskuuleed, ama kooxo lagu magacaabo. marka aad 4 jir tahay, waxaad ka bilaabeysaa kooxda 1. Kooxda 1 iyo kooxda 2 waxaa kaloo lagu magacaabaa fasalka xanaanada. Laga bilaabo kooxda 3 waxey ilmaha baranayaan ilmaha aqriska, qorista iyo xisaabta. Kooxda 8 waxey ilmaha sameynayaan imtixaanka dhamaadka, taasi waxaa lagu magacaabaa imtixanka 'sii gudbida'. Natiijada imtixaanka iyo talada macalinka ayaa lagu qiyaasayaa darajada darajada ilmahaaga ee dugsiga sare.

Cashada dugsiga hoose dhexe

Casharada muhiimka ah ee dugsiga hoose waxaa ka mid ah luqada Nederlaanka, xisaabta, juqraafiga, taariikhda, dabeecada iyo farsamada, sawir gacmeedka, farshaxanka iyo jimicsiga. Maado wala ilmaha darajo ayuu ku heleyaa. Darajadana waxaa lagu qorayaa warbixin. Dugsiyada hoose badankooda ilmaha sannadkii 3 jeer ayaa warbixintaasi la siiyaa.

K qeyb gaka waalidka

Waalidka waxaa la weydiinayaa iney ka soo qeyb galaan waxbarashada ilmahooda. Waxaa waalid ahaan si joogto ah xariir la leedahay macalimiinta. Tusaale ahaan waxaad aadeysaa habeenada waalidiinta. Taasi waa wada kulan macalinka iyo waalidiinta si looga hadlo sida ilmaha xaalad iskuuleedkiisa yahay.

Maalmaha iskuulka iyo maalmaha fasaxa

Ilmaha waxey iskuulka aadaan 5 beri wigii, isniinta ilaa iyo jimcaha. Saacdaha iskuulada wey kala duwan yihiin iskuul walba, laakiin badiyaa subaxii ayey bilowdaan iyo galabtii ayey dhamaadaan

Sannad dugsiyeedka waxaajira fasaxyokala duwan, sida fasaxa kuleylaha, fasaxa kirismaska iyo fasaxa gu'ga. Ilmaha keliya fasaxyada iskuulka kama joogaan, haddii ay jiran yihiin ama ay xaalado gaar ah darteed ay fasax loo siiyo sida aroos, aasitaan ama maalmaha ciida -iyo xuska. Waa inaad mar walba iskuulka ogeysiisaa haddii uu ilmahaaga jiran yahay ama aad iskuulka weydiisaa haddii ilmahaaga maalin gaar ah fasax uu rabo.

Maqaalkan ma ku caawiyey?