Dugsiga hoose ka dib waxey ilmaha aadayaan dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu leeyahay darajado kala duwan iyo sanado waxbarasho kala duwan. Ilmaha 16 jirka, mar mar 18 jir, waa ku waajib iney iskuulka aadaan. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo ku saabsan dugsiga sare.
Dugsiga sare intiisa badan waa lacag la'aan Nederlaan. Waalidka ma bixiyaan lacag casharada caadiga ee dugsiga sare. Alaabta iskuulka, sida buugaagta iyo buugaagta wax lagu qoro, waa lacag. Waxaa kaloo jira in dugsiga sare dhaqdhaqaaqyo la sameeyo oo lacag ah, sida safarka iskuulka uu abaabulo. Ma heysatid lacag lacag aad taasi ku bixiso? Markaa iskuulada badankooda waxey heystaan lacag ay ardayda ku taageeraan. Weydii iskuulka ilmahaaga hadii ay sidaa tahay.
Dugsiga sare ee Nederlaan waxaa jira darajado kala duwan. Dugsiga sare wuxuu isticmaalaa natiijada imtixaanka -cito iyo talada dugsiga hoose si loo qiyaaso darajada ardayga.. Darajadaha waxey kala yihiin:
Vmbo ( Diyaarinta Waxbarashada Farsamada gacanta)
Wuxuu vmbo soconayaa 4 sano oo waxay bixiyaan casharo ku jiheysan waxbarasho waxqabasho. Taasi waxey micnaheeda tahay in ardeyda ay wax bada ku baranayaan iyagoo sameynaaya ama waxa sameynaayo. shahaadada-vmbo waxaad ku aadi kartaa mbo ama, xaaladaha qaarkood, havo ayaa aadi kartaa. Vmbo dhexdeeda waxey leeyihiin jihado kla duwan. Jihadaha waa: dariiqa waxbarasho shaqo asaasi ah, dariiqa waxbarasho dhexe, dariiqa waxbarasho isku dhafan iyo dariiqa waxbarasho aragtiyeed. Markaasoo dariiqa waxbarashada shaqo xooga la saaraayo mida aragtiyeedna buuga laga baranaayo
Havo (Waxbarashada Guud ee Sare)
Wuxuu havo socdaa 5 sano iyo wuu ka waxbarasho aragtiyeed badan yahay vmbo. Ardayda waa iney si isku filnaan wax u bartaan oo wax badan guriga ku soo sameeyaan. Shahaadada-havo waxey ardeyda ku aadi karaan hbo ama, xaaladaha qaarkood, aadaan vwo
Vwo (Waxbarashada diyaarinta Sayniska)
Waxaa vwo badankiisa waa waxbarasho aragtiyeed iyo wuxuu socdaa 6 sano. Shahaadada vwo waxaad ku dhigan kartaa waxbarasho jaamacada. Waxaa jiro laba nooc oo vwo ah: waa Atheneum iyo Gymnasium. Waxaa farqiga ugu muhiimsan yahay in gynasium-ka la bixiyo casharo laatiinka ah.
Fasalka koowaad iyo kan labaad ee dugsiga sare waxaa loo yaqaan fasalka ka gudubka. Mudada fasalka ka gudubka waa dhamaan isku casharo ayey qaadanaayaan sida Nederlaanka, Inglishka, Xisaabta, Farshaxanka iyo isboortiga. Fasalka ka gudubka ka dib waxaa qaadaneysaa casharo waajib ah, casharo la dooranaayo iyo isku dhafka casharada uu ardayga iskiisa u dooranaayo. Isku dhafkani casharada waxaa loo yaqaan (profile).
Waxaa doorashada asaas (profile). asaaska iyo casharada la doorto uu ardayga doorto ayaa xadidaaya tababarka aad dhiganeyso dugsiga sare ka dib. Ma rabaa ilmahaaga tusaale ahaan inuu noqdo dhaqtar? Markaa wuxuu ilmahaaga u baahan yahay shahaadada dugsiga sare ee vwo, waxaa asaaska la rabaa Dabeecada iyo Caafimaadka iyo maado la doorto Fiisigis ama Dabeecada iyo Teknikada iyo maado la doorto oo Biyolajiga ah. Iskuulka ayaa ilmahaaga ka cawinaaya inuu doorashada saxda sameeyo ee casharada.
Ardayda caadi ahaan 5 beri wiigii ayey iskuulka aadaan. Laga bilaabo isniinta ilaa iyo jimcaha. Waqtiyada iskuulka waa kala duwan yihiin, laakiin casharada badiyaa waxey bilowdaan subaxii oo waxey dhamaadaan galabtii. Ardayda waxey dhigtaan casharo kala duwan jadwal go'an iyo waa ku waajib iney aadaan iskuulka. Jadwalka dhowr jeer ayaa sannadkii la bedeli karaa.
Sannad dugsiyeedka waxaajira fasaxyokala duwan, sida fasaxa kuleylaha, fasaxa kirismaska iyo fasaxa gu'ga. Ilmaha keliya fasaxyada iskuulka kama joogaan, haddii ay jiran yihiin ama ay xaalado gaar ah darteed ay fasax loo siiyo sida aroos, aasitaan ama waqtiyadaa ciida -iyo xuska. Waa inaad mar walba iskuulka ogeysiisaa haddii uu ilmahaaga jiran yahay ama aad iskuulka weydiisaa haddii ilmahaaga maalin gaar ah fasax uu rabo.
Si ay u qaadaan ardayda shahaado oo dugsiga sare ah waa iney imtixaan sameeyaan. Darajo walba wuxuu leeyahay casharo u gaar ah iyo sharuudo imtixaanada. Waxaa jira dugsiga sare laba nooc oo imtixaano ah
Imtixaanada iskuulka
Imtixaanadan wey kala duwan yihiin iskuul walba. waxey ardayda imtixaanada sameynayaan laga bilaabo sannadka 4 ee dugsiga sare.
Imtixaanada dhexe ee dhamaadka
Imtixaanada waa mid qaranka iyo dadka oo dhan waa isku imid. Imtixaanadan waxey ardayda sameynayaancsannadka ugu dambeeyo ee iskuulka dugsiga sare. Waxey xadidayaan si wadajir ah haddii ardayga uu qaadanaayo shahaadada dugsiga sare. Marka ay qaadaan shahaadada waxey ardayda wax ku sii baran karaan darajada iyaga ku habboon. Shahaadada waxaa loogu baahan yahay si tababar shaqo ama saynis aad u sameyso ama aad shaqo u hesho.
Waalidka waxaa la weydiinayaa iney ka soo qeyb galaan waxbarashada ilmahooda. Waxaa waalid ahaan si joogto ah xariir la leedahay macalimiinta. Tusaale ahaan waxaad aadeysaa habeenada waalidiinta. Taasi waa wada kulan macalinka iyo waalidiinta si looga hadlo sida ilmaha xaalad iskuuleedkiisa yahay.