Naag ayaa buug aqrineysa oo sameyneysa qoraal. Miiska waxaa saaran buugaag.
Laga soo xigtay: Marchalilah

Sharuudaha aad wax ku baran karto adigoo aadan heysanin sharci deganaansho

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:17 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Weli ma heysatid sharci deganaansho, laakiin waad weydiisatay magangelyo Nederlaan? Sida nidaamka ku qoran wax waa baran kartaa. Laakiin ficil ahaan wey adag tahay. Waa inaad sharuudo (luqada) gaar ah ka soo baxeysaa. Boggan ayaa taasi ka aqrineysaa.

Sharuudaha aad sharci deganaansho la'aan aad Nederlaan wax uga barato

Waa inaad sharuudahan ka soo baxdaa:

  • Magangelyo ayaad ka weydiisatay

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Adeega imigreeshanka -iyo Jinsiyada (IND)
    iyo aad cadeyn kartid.

  • Waxaad heysataa shahaado sax ah oo darajada waxbarashada aad rabto inaad dhigato.

  • Shahaadada dibada waa in la bar bar dhigaa mida waxbarashada Nederlaan. Taasi waxaa loo yaqaan qiimeynta shahaadada. Taasi adiga weli ma sameynin? Markaa la xariir

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Internationale Diplomawaardering (IDW)
    .

  • Waxaad ku hadashaa iyo qortaa Nederlaanka (ama Inglishka) darajada loo baahan yahay inaad ku dhigato waxbarashada.

  • Waxaad bixin kartaa qarashka waxbarashada.

Sharuudaha waxbarashada ee mbo

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Mbo
iskuuladooda waxey bixiyaan 4 darajo oo kala duwan. Darajada aad dooran karto, waxey ku xiran tahay tababarkaaga hore. Halkan hoose ayaa ka heleysaa sharuudaha ugu muhiimsan ee darajo walba:

Mar mar tababar waad dhigan kartaa haddii aadan dhamaan sharuudaha ka soo wada bexeynin

Mar mar ayaa iskuulka-mbo uu sameeyaa ka weecasho nidaamka ah ee tababarkan hore. Tusaale haddii uu iskuulka la tahay inaad adiga tababarka si guul leh ku dhameyn karto, inkastoo aadan sharuudaha ka soo bixin. Kala xariir arrintan tababarka aad qaadan rabto.

Mbo-darajada 1:

Ka sokow sharuudaha guud oo inaad waxbarato, waa inaad tababarka mbo-darajada 1 aad ka soo baxdaa sharuudahan:

  • Waxaad heysataa ugu yaraan darajada af Nederlaanka

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    B1
    .

  • Waxaad sannadka aad is qoreyso 1 agoosto tahay ugu yaraan 16 jir.

  • Ma bilaabi kartid tababarka mbo-darajada 2, mbo-darajada 3 ama mbo-darajada 4.

  • Shahaado uma baahnid si aad u bilowdo tababarka mbo-darajada 1.

Mbo-darajada 2 ilaa iyo 4:

Ka sokow sharuudaha guud oo inaad waxbarato, waa inaad tababarka mbo-darajada 2 ilaa iyo 4 waa inaad ka soo baxdaa sharuudahan soo socda:

  • Waxaad heysataa ugu yaraan darajada luqada Nederlaanka B1.

  • Waxaad u baahan tahay shahaado ku haboon darajada tababarkaaga. Waxaad websaaytka tababarka aad rabto inaad dhigato ka heleysaa shahaadadee lagaa rabo inaad heysato.

Sharuudaha waxbarashada ee hbo ama wo

Ka sokow sharuudaha guud ee waxbarashada, waa inaad tababarka

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
hbo
ama
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
wo
ka soo baxdaa sharuudaha so socda:

  • Darajada luqada ee tababarka ee Nederlaanka: ugu yaraan B2. waxaad ku tuseysaa inaad darajada heysato Shahaadada (Staatsexamen NT2).

  • Darajada luqada tababarka ee Inglishka: ugu yaraan B2. Waa inaad ku tuseysaa darajadan inaad heysato shahaado:,

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    TOEFL
    ama Cambridge.

  • Waxbarashooyinka qaarkood waa inaad wax dheeraad ah sameysaa si laguugu ogolaado. Taasi waxey noqon kartaa cashro gaar ah oo aad qaadataa ama tababar gaar ahinaad dhameyso. Warbixin arrintan waxaad ka heleysaa tababarka aad rabto inaad dhigato.

Qodobkan ma ku caawiyay?