Laga soo xigtay: Wikimedia Commons

Sidan ayuu gaadiidka dadweynaha ee Nederlaan u shaqeeyaa

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:53 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaan dhexdeeda meel walba ayaa gaadiidka dadweynaha ku aadi kartaa. Tareenada, basaska, taraamyada iyo metro-ga. Boggan waxaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ee gaadiidka dadweynaha ee Nederlaan.

Waxaa jira shirkado gaadiid kala duwan

Waxaa Nederlaan ay leedahay shirkada gaadiidka badan oo mas'uulka ah noocyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha. Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Jidadka tareenada (NS)
waxey dabiraan inta ugu badan gaadiidka tareenka ee Nederlaan. Shirkadaha kale waxey mas'uul ka yihiin basaska, tram-ka iyo metro-ga ee gobolada kala duwan.

Soo booqo websaaytka shirkada gobolkaaga ee warbixinta muhiimka ee gaadiidka dadweynaha. Iyo dallacaad ax dhimista suura galka ah.

Safarkaaga ka hor ayaa sii diyaarsan kartaa

Mar dhow meel ma aadeysaa? Safarkaaga ka hor ayaa interneetka ka qorshayn kartaa. Safarka tareenka online-ka ayaa ka fiirin kartaa websaaytka NS. waxaawww.ns.nl waxaad ka arkeysaa waqtiga tareenka baxaayo, iyo ama haddii dhibaato jira. Taasi waxaa kaloo ka arki kartaa app-kooda ee taleefoonkaaga.

Ma rabtaa warbixin dhamaan noocyada safarka? Markaa fiiriwww.9292.nl. Markaa waxaad sii qorshayn kartaa si toos ah laga bilaabo gurigaaga ilaa meesha aad aadeyso. Sidaa ayaa uga hortageysaa waqti badan oo lama filaan inaad sugto. Waxaa 9292-app-ka waad ku dejin kartaa telefoonkaaga.

Waa inaad heysataa kaar sax ah

Waa inaad heysataa kaar sax ah. Waxaa jira qaabab kala duwan oo kaar sax ah aad ku heli karto. tusaale ahaan inaad ku marisoo OV-chipkaart. ama inaad kaar waqrad ah gadato mashiinka.

Waxaad istashoonka badiyaa ka ijaaran kartaa baaskiil

Waxaa xarumaha tareenka badan ka ijaaran kartaa baaskiil xagga NS. Taasi waxaa la yiraahdaa OV-fiets. Waxaad heysataa OV-chipkaart ayaa u baahan tahay si aad u ijaarato baaskiilka. Markaasoo aad lacag la'aan u gelineyso baaskiilka oo aad mucaamil u tahay 'OV-fietsabonnement'.

Isticmaalka OV-fiets waxaa bixineysaa € 4,55 oo 24 saac. Haddii aad baaskiilka 24 saac ka yar u baahan tahay, waxaad haddana bixineysaa € 4,55.

Waa kuwan nidaamyada u degsan gaadiidka dadweynaha

Marka aad gaadiidka dadweynaha raaceyso waa inaad nidaam gaar aha dhowrtaa. Halkan hoose aaaaayaa kuwa ugu muhimsan ka aqrineysaa:

Waa inaad mar walba aad tusi kartaa inaad safarkaaga aad qarashka bixisay
Waxaa keliya ku safri kartaa kaarka aad soo gadatay darajadiisa
Mar mar waad ku qaadan kartaa baaskiilkaaga gaadiidka dadweynaha
Waxaa jiro meelo u gaar ah kuraasta curyaanta iyo gaariyada ilmaha
Sigaarka oo gaadiidka dadweynaha lagu cabaa waa mamnuuc
Lama oggola iaad buuq sameyso ama khashin sameyso
Qodobkan ma ku caawiyay?