Bron: E. Dronkert
Qodob

Qarashka bixinta gaadiidka dadweynaha

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 7/9/2026, 07:48

Waa inaad mar walba kaar ansax ah aad tusin kartaa marka aad Nederlaan ku safreyso gaadiidka dadweynaha. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.

Waxaad ku safri kartaa OV-chipkaarka

Ku dhawaad meel walba oo Nederlaan ayaa ku safri kartaaOV-chipkaart. Tani waa kaar gaar ah oo aad lacag ku shubi kartaa. Lacagta aad kaarka ku shubto, waxaa la yiraahdaa baaqi.

Waxaa ku bixineysaa safarkaaga adigoo isa sii gelinaaya nooca gaadiidka dadweynaha aad isticmaalyso. Waxaad baaqiga aad ka buuxin kartaa makiinada automaatka shirkadaha gaadiidka. Meelaha qaarkood suuqa subermaaketka.

Waxaa jiro laba nooc oo kaarka OV-chipkaarka: mid shaqsi ah iyo mid qarsoodi. Hoos ayaa ka aqrineysaa waxa kaar walba uu micnahiisa yahay:

Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart

Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart warbixintan shqsiga ah ayaa ku qoran:

  • Magacaaga

  • Taariikhda dhalashada

  • Sawir shaqsi

Waxaa kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart ugu baahan tahay inaad baaskiilka-OV ku ijaarato. Inaad ruqsad joogto ama ka dhimis aad ku biiriso. Waa inaad kaarka OV-chip-ka aad ka gadataa xagga xisaabta bangigaaga shaqsiga ah.

Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart inaad gadato

Websaaytkana ayaa kaarka OV-chip-ka ka gadan kartaa.

Kaarka qarsoodiga ee OV-chip-ka

Kaarka OV-qarsoodiga ma ku qorna magac ama sawir. Waxaad gadaneysaa kaar OV-qarsoodi aa ka gadaneysaa meelaha laga gado sida xarumaha tareenka ama suuqa subermaarketka.

Faa'iidada kaarka OV-chipkaart-ka qarsoodiga waa iney dad kala duwan aya isticmaali kara OV-cipkaart-ka. laakiin isla marma wada isticmaali karaan. Ma ku safreysaan dad badan? markaa waa in qof walba goonidiisa u sameeyaa is gelinta oo kaar u gaar ah isticmaalaa.

Waxaad kaloo ku safri kartaa OV-pas

OV-pas

waa baas cusub oo loogu talagalay gaadiidka dadweynaha. Kaarkani wuxuu u eg yahay OV-chipkaart, laakiin si ka duwan ayuu u shaqeeyaa. Marka aad isticmaaleyso OV-pas, waxaad ku safri kartaa tareen, bas, tareen, iyo metro.

Waxaad ku shubeysaa OV-pas-kaaga adiga oo adeegsanaya akoonkaaga Akoonkaaga OVpay. Waxa kale oo aad dooran kartaa ku shubasho otomaatig ah. Hadhaaga ayaa markaa si toos ah loogu buuxin doonaa haddii uu aad u hooseeyo.


OV-pas waa mid ku habboon haddii aadan rabin inaad ku safarto kaarkaaga deynta. Waxaad ka codsan kartaa OV-pas khadka tooska ah iyada oo loo marayo OVpay. Waxa kale oo aad ka iibsan kartaa kaarka dukaamada qaar, sida Primera.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan OVpay, akhri maqaalka: OVpay: nidaamka lacag bixinta cusub ee gaadiidka dadweynaha ee Nederland

Qaab kale oo wax loo bixin karo

Waxaad kaloo ku bixin kartaa:

Diiwaangelinta sii raacitaanka iyo ka sii bixitaanka

Haddii aad ku safreyso tareenka, tram-ka ama metro-ga, waa inaad mar walba wax sameysaa ka hor intaadan gudaha gelin. Waa inaad iska diiwaangelisaa kaar sax ah mashiinka ku yaala meesha laga soo galo. Badiyaa taasi waxaad ku sameyneysaa tiirka ama albaabka. Waxaa maqleysaa cod yar marka aad is soo diiwaangeliso iyo ka dib waxaad fiirin kartaa qalabka si aad u aragto inuu ku guuleystay.

Marka uu safarkaaga dhamaado, waa inaad isla qaabkii aad aad diiwaangelisaa inaad ka sii baxday. Kaarka ayaa haddana mashiinka ku dhejineysaa ilaa aad cod yar maqasho iyo ka dib mashiinka ayaa ka aqrinrysaa inuu ku guuleystay.

Marka aad shirkad kale oo gaadiidka ku wareegeyso

Badiyaa waa inaad markaad safreyso ku bedelataa tareen, bas, tram, ama metro kale. Ma ku wareegeysaa shirkad gaadii kale? Markaa waa inaad marka hore aad ka sii bixisaa diiwaangelinta.

Markaa ka dib ha iloobin in inaad iska diiwaangeliso sii raacista shirkada kale ee aad rabto inaad isticmaasho. Ganaax ayaa lagu siin karaa haddii aadan iska sii diiwaangelin. Markaa kaar sax ah la'aan ayaad safreysaa taasina waa mamnuuc.


Heeft deze informatie je geholpen?