• Bilowga
  • Lacag
  • Lacagta lagu noolaado iyo lacagta cuntadamarka aad magangelyada Nederlaan ka weydiisato ka dib
Lacag ku jira boorso
Laga soo xigtay: Leefgeld

Lacagta lagu noolaado iyo lacagta cuntadamarka aad magangelyada Nederlaan ka weydiisato ka dib

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/23/2024, 11:32 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Weli ma sugeysaa go'aanka codsigaaga magangelyo iyo ma degan tahay AZC xero ah? Markaa waxaa lagu siinayaa wiig walba lacag ay dowlada Nederlaan ugu talo gashay cuntada iyo nolosha. Lacagtaasi wiig walba ayaa shaqaalaha xerada ku siinayaan.

Lacagta lagu noolaado iyo lacagta cuntada wiig walba ayaa la bixiyaa

Wiig walba waxaa lagu siinayaa lacag ka kooban lacag cunto iyo lacag lagu noolaado. lacagtani waxaa ku siinaaya

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Centraal orgaan Opvang Asielzoekers (COA).
lacagta cuntada waa inaad cunto ku soo gadataa haddii uu xearad aysan cunto kuu dabireynin. Lacagta lagu noolaado waa waxa kale ee aad u baahan tahay, tusaale ahaan dharka. Haddii aad dacwada magangelyada weli aan si rasmi u bilaabanin waxaa keliya lagu siinayaa lacagta cuntada. isla markii dacwada kuu bilaabato labada lacag ayaa lagu siinayaa.

Haddii aad lacag badan oo aad leedahay heysato ama daqli leedahay oo shaqo ah badiyaa waainaad qeyb ka bixisaa qarashka dejintaada. Markaa ma heleysid ama lacag yar ayaad dowlada ka heleysaa.

Xadka lacagta cuntada qof walba wey kala duwan tahay

Ma lagaa siiyaa xerada aad degan tahay dhamaan cuntada? Markaa laguma siinaayo lacag cuntada. Ma ku siiyaan xarunta cashada, laakiin quraac iyo qado laguma siiyo? Markaa waxaa lagu siinayaa lacagta quraacda iyo qadada.

Waxaa inta jeer ee cuntada aad ka heleyso xerada aad degan tahay ku xiran tahay xadka lacagta cuntada iyo sida uu reerkaaga iskugu jiro iyo inta uu reerkaaga ka kooban yahay.

Lacagta cuntada ee dadka dhamaan cuntada iyaga karsanaaya
Lacagta cuntada ee dadka kuwa cashada laga siiyaa xerada

Xadka lacagta lagu noolaado dadka oo dhan waa isku mid

Isla markii uu dacwadaada magangelyada bilowdo, waxaa heleysaa lacagta lagu noolaado. Taasi qof walba isla xadkii oo ah €14,47 wiigii. Meelaha qaarkood waxaa dadka lama siiyo lacag lagu noolaado, laakiin waxaa la siiyaaalaab leysku daryeelo ayey COA siisaa.

Codisgaaga magangelo mala soo diiday oo ma joogtaa xerada reerka ama xerada xornimada xadidan? Markaa laguma siinaayo lacag lagu noolaado.

Ma ka yar tahay 18 jir oo keligaa ma timid Nederlaan? Markaa lacagta lagu noolaado ayaa lagu siinaya ka hor intaan dacwadaada magangelyo bilaabanin. Markaa lacagta lagu noolaado waxaa lagu siinayaa mudada aad sugeyso dacwada.

Waxaa lacagta wiiga kuugu dhaceysaa kaarkaaga bangiga

Lacagta cuntada iyo lacagta nolosha wiig walba waxaa bixiya COA. waxaad heleysaa lacagta wiiga mar walba isniinta ka dib wiiga lacagta loogu talo galay. Markaa lacagta ka dib ayaa lagu siinayaa. Markaa ma sugi kartid ilaa isniinta ku xiga. Sidaa darteeda ayaa lacagta wiiga koowaad isla markii la bixiyaa. Markaa wiigaga ku xiga ayaa lagaa goynayaa. Sidaa darteeda ayaa lacagta wiigaga ku xiga marka koowaad uu xoogaa ka yar yahay (ilaa 10%).

Lacagta marna kaash laguuma siinaayo laakiin kaarka bankiga laguugu shubaa. Bilowga waxaa lacagta ka heleysaa Moneycard. Tani waa kaar aad dukaamada wax uga gadan karto. Lacagna waa kaga soo baxsan kartaa makiinada lacagta. Moneycard ma suura geleyso inaad lacag siyaado ma ku qaadan kartid. Haddii aad muddo sii joogto Nederlaan markaasi xisaab bangi kuu gaar ah ayaad furan kartaa. Isla markii aad xisaab bangi yeelato, waxaa lacagta laguugu shubaayaa bedelkii Moneycard-ka.

Qodobkan ma ku caawiyay?