Koox dad badan ah oo xaflad u dabaaldagaaya oo ku saabsan lhbtqia+ dadka ah ee Nederlaan.
Laga soo xigtay: Wikimedia Commons

Nolosha Nederlaan dadka Lhbtqia+ ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/18/2024, 3:37 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ilaa sannadkii 90 waxaa sharci ahaan la mamnuucay cunsuriyada ku saabsan qofka jeceylkiisa jinsiga ee Nederlaan. Laakiin cunsuriyada iyo ku tilmaan ayaa weli ka jira Nederlaan. Boggan waxaa ka heleysaa warbixin ku saabsan nolosha Nederlaan ee dadka lhbtqia+ ah.

Baarka 1 aad khaniisiinta ugu horeeya ee dunida ee Amsterdam

Nederlaan waxey macruuf ku tahay wadanka 1 aad ee ugu horeeya guurka dadka isku jinsiga ah sharciyeeysey. Laga bilaabo 2001 waa la oggol yahay Nederlaan in aad qof aad isku jinsi ah ay guursadaan. Laakiin ka hor 1927 waxaa laga furay sid ay u badan tahay Nederlaan baarka khaniisiinta ee ugu horeeyey Nederlaan. Taasi waa baarka Café 't Mandje oo weli wuu jiraa oo waxaad ka heleysaa Zeedijk ee Amsterdam.

Xoreynta bulshada-lhbt ee Nederlaan

Dagaalkii Labaad ee dunida ka dib waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
LHBT
-ururka ‘de Shakespeare Club' ayaa la dhisay. Waxaa 1949 isbedelay magaca taasi oo noqday. de Nederlandse Vereniging tot Integratie van Homoseksualiteit Cultuur- en Ontspanningscentrum (NVIH COC). Waxaa 1950 iyo '60 waxuu noqday COC oo sii weynaaday.

Waxaa COC abaabulaan tusaale ahaan banaanbaxii 1aad ee ka soo horjeeday qodobka 248bis. Qodobkani ayaa keenay in marka aad 21-ama 22 jir tahay la xiri karo oo haddii ay is dhunkanaayeen saaxiibka 20-jir ah. Taasoo haddana dadka kale ay laga bilaabo 16 jir loo oggolaa iney xariir galmo ah sameeyaan. Waxaa 1971 ayaa qodobkaasi la baabi'iyey.

Dowlada Nederlaan waxey ku haminayaan in xaquuq sinaan ay yeeshaan dadka lhbtqia+-

Waa suura gal in la guursado ama la sameeyo heshiiska lamaanaha qof aad isku jinsi tihiin. Nederlaan dadka lhbtqia+-sidoo kale ilmo wey korsan karaan ilmaha si rasmi ah ama waxey noon karaan waalidka ilmaha daryeela. Ilaa 2014 tusaale ahaan 2 dumar wadajir ilmo wey u dhali karaan iyo labadaba waalid sharci ah ayey u noqon karaan ilmaha.

Nederlaanka waxey badiyaa u arkaan si wanaagsan dadka- Lhbtqia+

Dhamaan wadamada Yurub waxey Nederlaan tahay iyo Swiidan iyo Denemark, wadanka ay dadka degan ugu badnaan ay wanaag u arkaan

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
dadka Lhbtqia+
. Waxaa Nederlaan ay u fekeraan 7 boqolkiiba dadka si aan fiicnayn dadka khaniisiinta iyo kuwa jinsiyadaha kala duwan la kulma, 10 boqolkiiba waxey uga fekeraan si xun dadka jinsiga kale noqda.

Si furan oo aad uga hadasho jinsiga iyo fahankiisa ama aqoonsiga jinsiga

Dad badan oo ah lhbtqia+-oo Nederlaan jooga wey sheegaan xaalada ka salgaarida jinsiga iyo aqoonsiga jinsiyada. Waxey halkan u sheegayaan tusaale ahaan waalidkooda, asxaabtooda iyo dadka ay wada shaqeeyaan.

Hadii aad dareemeyso inaadan weli diyaar u ahayn inaad taasi sheegto iyo aad u furfurnaato xagga arrimaha jinsiga horumarkiisa, taasina waa wax fiican. Arrintan waa mid uu shaqsiga dooranaayo. Qof walba ma awoodo ama ma rabo inuu u fur furnaado xagga arimahiisa horumarka jinsiga, xitaa haddii ay Nederlaan joogaan.

Qodobkan ma ku caawiyay?