Dad koox ah oo ku labisan dhar midabka basaliga ayaa ku shraacday kanaalka Amsterdam. Hareeraha waa la buuxaa oo dadka wey faraxsan yihiin.
Laga soo xigtay: Flickr / Kitty Terwolbeck

Dhaqdhaqaaqyada loo abaabulo bulshada lhbtqia+-

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:14 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa Nederlaan ka jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo u gaar ah dadka Lhbtqia+. Boggani ayaa ka aqrineysaa waxyaalaha Gay Pride ku saabsan, Roze zaterdag iyo dhaqdhaqaaqyada kale. Waxaad kaloo ka heleysaa ururada isku mashquuliya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dadka lhbtqi+- ee asalkooda qaxootiga ah.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan)

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) waa sabti dhamaadka juun ah. Waa munaasabad iyo banaanbax kaasoo loo weydiinaayo in fiiro loo lahaado xaquuqda naagaha is jeclaada, khaniisyada, dadka labada jinsi jeclaada iyo dadka aad ogayn jinsiga ay yihiin. Xagaa walba ayaa meel walba oo Nederlaan ah laga abaabulaa xafladaha- Pride.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) wuxuu ku abaabulmay rabshadii- "Stonewall" ee 1969 ee New York. Dagaaladaasi waxey u taagan yihiin waqti muhiim ah oo taariikhda dhaqdhaqaaqa khaniisyada. Markaasi boliiska ayaa baarka khaniisyada si xoog ah ku soo galay 'Stonewall Inn'. Dhalinyarta degaanka iyo kuwa dragqueens oo bilaabay iney dib u dagaalamaan maadaama sannado badan oo cadaadis ah iyo awood oo loo sheegto oo boliiska ah wey ku daaleen.

'Pride Amsterdam'

'Pride Amsterdam' waa xaflad agoosto la qabto oo 2 wiig socda halkaasoo xaquuqda dadka lhbtqia+- ay xudun tahay. Halkaasoo fiiro gaar ah loo weydiinaayo dadka dhalinyarta ee dhibane noqon kara ee bulshada lhbtqia+-. Tusaale ahaan nacaybka ku xeeran arrimaha aids-ka iyo xauuqda ay leeyihiin

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
dadka jinsiyada kala duwan jeclaada
.

Dhamaadka 2 wiig 'Pride Amsterdam' waxa jira xaflad sanadeed 'Canal Parade' ee Amsterdam lagu qabto. 'Canal Parade' waa 1 ka mid aha xafladaha ugu dadka badan ee Nederlaan maalmahaasi ee Amsterdam. 100.000' qof ayaa wada imaanaaaya meelaha biyaha agtooda iyagoo u dabaaldagaaya kala duwanaanshaha iyo ka qeyb qaadashada. Dad badan ayaa dooman midabo kala duwan biyaha ku dhex maraaya.

Dhaqdhaqaaqyo kale

Waxaad websaaytyadan waxaad ka heleysaa warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqyadan

Qodobkan ma ku caawiyay?