
Sidan ayaad u mudaaharaadi kartaa Nederlaan
La wadaag baraha bulshada:
Nederlaan, qof walba waa loo oggol yahay inuu mudaaharaad sameeyo, xitaa haddii aadan weli haysan dhalasho Nederlaan ah. Dawladdu waxay ku soo rogi kartaa shuruudo sidaad u muujinayso. Maqaalkani wuxuu sharxayaa sida muujinta Nederland u shaqeyso.
Qof walba waa loo oggol yahay Nederlaan inuu mudaaharaado
Dastuurka Nederlaan (Qodobka 9) wuxuu dhigayaa in dhamaan dadka Nederlaan jooga ay mawduuc walba ka mudaaharaadi karaan. Dowladda ma joojin karto mudaaharaad haddii aysan ku raacsanayn waxa laga mudaaharaadaayo ama sababta loo mudaaharaadaayo. Waxaa dowlada ay sameyn kartaa xeerara mudaaharaadka loogu talo galaayo. Taasi waa shaqada degmada iyo duqa magaalada. Sharcigan waxaa lagu qoray
Waxaad jira dhowr nooc oo nabad ah oo aad u mudaaharaado
Nederlaan gudaheeda waxaad u mudaaharaadi kartaa siyaabo kala duwan. Caadiyan mudaaharaadyadani waa kuwo fagaare ah. Waxaad sidoo kale u mudaaharaadi kartaa qoraal ahaan
Dadka mudaaharaadaayo looma oggola iney dil adeegsadaan. Sidoo kale mudaaharaadyada lama oggola iney nacayb u muujiyaan dad kale, asalkooda, waxa ay soo jeedaan ama diintooda. Lama oggola takoorida, sidoo kale lama oggola nacayb iyo colaad. Dowladda mudaaharaadka wey joojin kartaa haddii waxaasi ay dhacaan
Halkan hoose waxaad ka arkeysaa qaababka kala duwan ee aad u mudaaharaadi karto:
Mudaaharaad dadweyne
Mudaaharaadyo
Koox dad ah waad socon kartaan, ku lugeyn kartaa, tuulo ama magaalo dhexdeeda. Baiyaa dadka wey heesaan marka ay soconayaan ama waxey wataan calamo ama boorar
Socodyada aamusan
Sidoo kale mudaaharaadkan dad koox ayaa ku soconeysaa magaalo ama tuulo, laakiin waa aamusnaan. Boorarka ama calamada ayaad ku muujin kartaa waxa aad u mudaahareysaa
Mudaaharaad istaagan
Tani tusaale ahaan waa fagaare weyn ama barxad. Badiyaa waxaa jira masrax ay dadka kala hadlayaan dadka dhageysanaaya. Degmada wey bedeli kartaa goobta ama waqtiga sababo amaanka awgeeda.
Mudaharaad qoran: cabasho
Mudaharaad qoran: codsiyo
Haddii aadan ku raacsanayn qorshaha dowladda Nederlaan,
Cabshada waa iney ahaataa mid dad badan ay qabaan. Waxey kaloo noqon kartaa cabasho saqsi ah oo dad badan kula wadaagaan. Ujeedada cabashada waa inuu cad yahay
Qof kasta xaq ayuu leeyahay inuu cabashada diro.
Siyaabaha qaar oo loo mudaaharaado waa dembi leysku xukumi karo
Siyaabaha qaar oo loo mudaaharaado waa dembi
Xiritaanka ama xanibida jidadka waaweyn ama qabsashada dhismooyinka waxey iyagana hoos imaadaan xaquuqda mudaaharaadka ee Nederlaan. Haddan waxey badiyaa dhaliyaan buuq. Sidaa awgeeda ayaa duqa magaalada uu xeerar u sameyn karaa mudaaharaadyadaasi. Haddii aadan dhowrin xeerarka, waxaa tahay qof ciqaab lagu xakumi karo
Tusaale ahaan, sharcigu waa mamnuuc in la xiro jidka weyn ama in la qabsado dhismo haddii mulkiiluhu aanu ogolayn. Haddii aad sidaan sameyso, waxaa laga yaabaa in boolisku ku xiro oo ciqaab lagugu xukumo
Haddii aad mudaaharaadeyso, tani waa inaad degmada u gudbisaa
Haddi aad rabto in aad mudaaharaado, waa in aad taas u soo sheegtaa wakhti fiican degmada aad ku mudaararaadayso. Waxaad u sheegtaa
Waxaa duqa magaalada tusaale ahaan bedeli karaa xarunta mudaaharaadka. Ama waxey kaloo asaga ama iyada ay bedeli karaan saacadda mudaaharaadka, Xagga amaanka awgiisa. Waxa laga mudaaharaadaayo lama bedeli doono. Haddii aad mudaaharaadka ka hor u gudbinin, duqa magaalada mudaaharaadka wuu joojin karaa. Degmada taasi wax bey ka qaban doontaa:
amaanka iyo caafimaadka dadka mudaaharaadaaya ama dadka jidka maraaya ayaa qatar ku jira;
mudaaharaadku wuxuu keenaa dhibaatooyin xagga gaadiidka ah;
xasil daro, dagaal ama fafal dembiyeed ayaa la fili karaa.
Dawladda Nederlaan waa inay badbaadisaa mudaharaadayaasha
Dowladda Nederlaan waa iney ilaalisaa ka qayb qaybgalayaasha mudaaharaadka. Tusaale ahaan kuwa ka soo horjeeda haddii ay jiraan, ama haddii jawaab nacayb ay imaanayaan mudaaharaadka. Mudaaharaad walba waa inuu boliis joogaa. Boliiska ayaa sugaaya inuu mudaaharaadka amaan iyo si degan u dhoco. Waxey u joogaan amaankaaga.