
Iska xaadirinta IND Ter Apel
La wadaag baraha bulshada:
Iska diiwaangelinta IND ee Ter Apel waxaad u sheegeysaa inaad magangelyo weydiisaneyso. Waxaad u sheegeysaa wadanka aad ka timid. Haddii wadankaas yahay mid ay dowlada Nederlaanka u aragto wadan amaan ah? Markaa waxaa IND ay codisgaaga maganelyo uga shaqeyneysaa dacwada deg dega.
Codsigaaga ayaa laga xadidaayaa nooca dacwada ee IND codsigaaga magangelyo uga shaqeyn doonto
Haddii aad Nederlaan ka soo gasho xagga Biljimka ama Jarmalka oo aad halkan magangelyo ka weydiisaneyso, waa inaad aadaa xerada leyska dhiibo ee Ter Apel (AC) Ter Apel. Waxaa Ter Apel iska diiwaangelisaa
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). halkan ayaa ka sheegeysaa inaad magangelyo weydiisaneyso. Waxaa IND ku weydiinayaan qofka aad tahay, jinsiyadaada iyo meesha aad ka timid
Waxaa lagu siinayaa xariga gacanta lagu xirto iyo warqad nambar leh (tani waxaa loo yaqaan warqada wareegta 'loopbrief’). waxaad xariga gacanta iyo warqada wareegta ugu baahan tahay ballamada markaad is dhiibto.
Aqoonsiga iyo diiwaangelinta DISA
Marka aad is dhiibto ee IND waxaad aadeysaa Adeega aqoonsiga iyo Baaritaanka magangelyodoonka (DISA) ee aqoonsiga iyo diiwaangelinta. Marka Ter Apel la buuxa ama waqti dambe aad imaado? Waxaa suura gal ah in lagu geeyo meel habeenka la seexdo Xarunta Dejinta ee magangelyodoonka (COA). Waxaa ka dib maalinta ku xigta ka dib ayaa Ter Apel ama Budel u aadeysaa ballanta DISA
DISA ayaa ka ma'uul ah aqoonsigaaga rasmiga ah iyo diiwaangelintaada. Tarjumaan (taleefoonka) ayaa tarjumaaya wadahadalka. Diiwaangelinta iyo aqoonsiga waa sidan soo socota:
Aqoonsiga: DISA waxey ku weydiineysaa meesha aad ka timid, safarkaaga iyo dhibaatadaada aad u soo qaxday. WaxaaKoninklijke Marechaussee (KMar)waxey baareysaa ka dib dokumentiga inuu sax yahay.
Diiwaangelinta: DISA waxaa lagaa qaadaayaa sawir iyo astaanta faraha. Kuwaasi iyo warbixintaada shaqsiga ayaa la wada gelinaayaa nidaam kambiyuutarka ee qaranka. Waxaad DISA si rasmi ah uga weydiisatay magangelyo adigoo warqad ku saxiixday codsiga magangelyo. Warbixintaada ayaa loo adeegsanaayaa in W-dokumentilagaaga sameeyo. Taasi waa aqoonsi ansax ah. Dokumentiga-W ma aha sharci deganaansho. Waxaa Dokumentiga -W wuxuu muujinaayaa meesha aad ka timid iyo Nederlaan joogi karto maadaama aad magangelyo weydiisatay
Badiyaa IND codsiyada magangelyada ee dadka ka imaaday wadamada nabdoon wey soo diidaa
Waxaa IND mar walba baareysaa inaad hore magangelyo u soo weydiisatay. Ama Nederlaan dhexdeeda ama waddan kale oo Dublin oo Yurub ah.Haddii taasi dambe ay jirto markaa waxaad mareysaa Nidaamka Dublin.
Haddii aadan runta sheegin waxey dhibaato u keeni kartaa codsigaaga magangelyo
Waa muhiim ah inaad magacaaga runta ah sheegto iyo inaadan cadeymo aqoonsi faalso aadan sheegan. Si daacad ugu sheeg IND inaad magac kale soo isticmaashay mudada qixitaanka. Waxaa IND fiirineysaa iney waraaqahaaga sax yihiin. Haddii warbixin qaldan oo adiga kugu saabsan bixiso, taasi waxey saameyneysaa codsigaaga magangelyo