
Ku noolaanshaha Nederlaan marka aad da'da 18 jir ka yar tahay oo aad qoys la'aan nooshahay
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, aad keligaa Nederlaan timid iyo sharci deganaansho leedahay, markaa waxaad hoos imaaneysaa nidaamka- AMV, keligaa ma degi kartid. NIDOS ayaa kaa caawineysa inaad guri hesho. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa caawinaadee ayaad heleysaa iyo meesha aad degi karto.
Da'daada ayaa go'aaminaaya halka aad degeyso
Xitaa markaad sharciga deganaanshaha heysato,
Waxaa jira noocyo kala duwan oo guryo ah oo loogu talagalay qaxootiga da'da yar ee Nederlaan
Hoy iyo ku noolaansho xaalad qoyseed (OWG)
Haddii aad tahay 14 sano ama ka yar, waxaad la noolaan doontaa qoys. Qaabka daryeelka waxa loo yaqaan Hoyga iyo Ku-noolaanshaha Qaab Qoyseed (OWG). Kadib waxaad la noolaan doontaa qoys kula dhalasho ama dhaqan ah. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad si dhakhso leh u dareento inaad Nederlaan gurigaaga oo kale yahay
Nederlaan waxaa jira guryo kala duwan oo yar yar (KSO)
Guryahan waxaa sameeyey Ururka NIDOS iyagoo ay wada shaqeeyaan degmaayinka. Waxaad halkan ku nooshihiin badiyaa 3 ilaa 12 dhalinyaro ah. Gudaha KSO waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka iyo waxaad aadeysaa iskuul. Waxaa intaa dheer, waxaad heleysaa hagitaan si aad u hormariso xirfado guud ah iyo xirfado ee xagga bulshada
Haddii aad jirto 15 sano ama ka weyn, waxaad degeysaa dejinta ilmaha kooxda (KWG) ama degaanka yar (KWE).
Dejinta Ilmaha kooxda (KWG)
Dhalinyarada aan weli lahaynisku filnaansho kaafi ah, waxaa jira Dejinta Ilmaha kooxda (KWG). Waxaad degan tahay meel ay 24 saac maalintii aad caawino heli karto. Waxaa dejinta Ilmaha kooxda degan ugu badnaan toban iyo laba caruur. Waxaa halkan ka heleysaa hagis maalinta oo dhan ah dhamaan wax qabadyada. Sida soo kicitaanka waqtiga aadista iskuulka, adeega suuqa iyo wax kariska
Degaanka yar (KWE)
Degaanka yar (KWE) waxaa degan ugu badnaan wada degan 4 dhalinyaro da'dooda u dhaxeyso 15 iyo 18 jir. Badiyaa waa kala asal duwan yihiin. Waxaad halkan degi kartaa haddii tahay qof ilaa xad isku filan, laakiin aan weli da'daada gaarin ilaa aad iskaaga isu dabirto. Sidaa awgeed waxaa halkan ka heleysaa qof ku hagaaya sidaa aad u baran lahayd inaad isku filnaansho u noolaato
Dejinta Qaaska Nidos (NEO)
NEO waa guri yar ay leedahay Ururka Nidos oo da'yarka ajaanibta oo keligooda ah u dhexeeya 14 iyo 18 jir. Waxaad degan tahay halkan kooxo yar yar oo 4 ilaa 12 qofood ah. Waxaad hagis ka heleysaa tababare dhalinyarada maalinta oo dhan. Waxaa NEO heleysaa caawino xagga luqada, waxbarashada iyo horumarin bulshonimo
Dejin yar oo leh hagis dheeraad ah (PON)
Haddii aad tahayqof nugul oo aad u baahan tahay daryeel gaar ah, waxaa jira PON (Dejinta Gaarka Nidos). Tani waa dejin yar oo gaar ah oo leh feejignaan shaqsi oo badan, hagis badan iyo qaab adiga kugu habboon. Waxaa heleysaa taageero maalinle ah oo wax tar leh sida, sikuulka oo waqtiga lagu aado, sameynta ballamada. Intaa waxaa dheer xariir joogto ah la leedahay qabiirka dhaqanka ama caawiye, oo kaa caawinaaya caqabadaha shacuureed ama maskaxeed
Waxaa kaloo jira Nederlaan hoy la ilaaliyo
Dhalinyarada qaar ayaa dhibanayaal u ah ka ganacsiga dadka.
Waxaa XONAR degan tahay guri degaan xiran
Ku noolaanshaha Nederlaan da'da 18 jir
Qiyaastii 17 jirkaaga ayaad isu diyaarineysaa inaad si isku filnaansho u noolaato. Waa muhiim inadiga iyo mas'uulkaaga iyo hagayaashaada aad ka sii fakirtaan qorshe, si aad si fican ugu diyaargarowdo tallaabada xigta. Haddii aad 18 jir noqoto, waa laguu oggol yahay inaad si isku filnaan u noolaato, shaqeyso oo aad wax barato. Degmooyin badan waxaad weli la xariiri kartaa VluchtelingenWerk Nederland taageero dheeraad si aad u hesho
Dejinta la dheereeyey
Waxaa kaloo suura gal ah in markaad gaarto dhalashadaada 18 jirka inaad weli sii heysatohagista. Taasi waxaa loo yaqaan dejinta la dheereeyey. Waad sii deganaan kartaa qoyska aad la joogto ama dejinta yar, ilaa ugu badnaan dhalashadaada 21 jirkaaga. Waxaa dejinta la dheereeyey kaa caawinaayaa inaad noqoto qof isku sii filan iyo aad bulshada Nederlaan la qabsato