Mudaaharaad
Khibrada
'Aniga waxaan ka soo qaxay Yukrayn, kama qixin Marokko'
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/23/2024, 3:07 GD

Sannadka ugu dambeeyey ee waxbarashada dhaqtar ilkaha ayaa Anass oo Marokkaan ah qasab ku noqotay inuu ka soo qaxo Yukrayn. Wuxuu Nederlaan yimid maajo 2022. Ma uusan ogayn inuu magangelyada mudada ah ee Nederlaan ay ka hor dhmaaneyso. "Dhamaan waxaan ka soo qaxnay isla duullaankii, maxaa aniga aanan u joogi karin?"

Magangelyada mudada ah wuxuu ka dhamaanayaa 4 sebtembar ilaa kumanaan qof

Waxaa Anass oo 25 jir ah joogaa Tilburg. Wuu shaqeeyaa wuxuuna aad u jeclaan lahaa inuu noloshiisa sii dhiso. Laakiin magangelyada mudada ah wuxuu ka dhamaanayaa 4 sebtembar. Sida 3.000 qof oo kale sidaDowlada sheegtaykuwaa soo Nederlaan imaaday laakiin aan jisiyada Yukraynka heysanin.

"Yukrayn iyo Nederlaanba nolosheyda waa la iga qaatay"

Anass wuxuu ka tegay wadanka uu u dhashay Marokko oo waxbarasho u aaday Yukrayn. Shahaadadiisa wuu qaadan rabey marka ay Ruushka soo weeraray Yukrayn. "Waxaa qasab igu noqday inaan Yukrayn ka tago oo aan Nederlaan nolol cusub ka dhiso. Hadda waxaan heystaa shaqo. Laakiin hadda kuma sii fekeri karo mustaqbal Nederlaan, maadaam magangelyada mudada ah joogsaneyso. Taasi waxaan u arkaa cunsiriyeyn. Annaga dhamaan waxaan u soo qaxnay isla sabab, laakiin dadka heysta jinsiyada Yukrayn weli wey ku joogayaan nidaamkan. Ma rabo inaan dacwad magangelyo bilaabo. Aniga waxaan ka soo qaxay Yukrayn, kama qixin Marokko."

"Nidaamka ilaa bilowgoo waadix ma ahayn"

Adeega Imegreyshanka-iyo Jinsiyada (IND) qof walba warqad ayey ku ogeysiisey sharcigooda Nederlaan iyo wixii suura gal ah ee iska bedelay. "IND waxey dhalisay jahawareer badan. Markii koowaad waxaan helay warqad ku qoran tahay inaan joogi karo. Rajo ayaa yeeshay. Laakiin tan waxey cadaatay ieny warqad qalad ah ahayd. Waxey dhalisay xasil daro iyo wax aan waadix ahayn."

"Waxaan rabnaa mudaaharaad nabadeed"

"Sida dadka kale ma fahmaayo sababta magangelyada mudada ah loo joojinaayo". Waxaa xaga X (hore Twitter) ayuu ku ogaaday Anass in laga mudaaharaadaayo joojinta magangelyada 4 sebtambar 2023. Mudaaharaadka 14 agoosto ee Den Haag boqolaal qof ayaa yimid. "Waa rabey inaan aado, aan codkeyga maqashiiyo. Dad badan ayaa si sharci ah ku shaqeeyo Nederlaan oo heysta hoy. Haddii aan hadhow shaqo lanoo ogolayn iyo aan hoy heysanin, taasi waxey dhalineysaa dad badan oo sharci daro ah Nederlaan."

Mudaaharaadka hore ayaa boliiska u ogaa. "Waxaan weydiiney boliiska haddii aan banaanbixi karno. Si fiican ayaan ugala ballanay. Waxaa rabnaa mudaaharaad amaan ah oo wax dhibaato ahayn."Sidoo kale mudaaharaadka xiga waa la qorsheeyey. Anass wuu sii wadayaa mudaaharaadka. Wuxuu rajeynayaa in dhaqso uu isbedel xaaladiisa. "Waa sii xoojinayaa inaan codkeyga maqashiiyo. Taasi waa waxa keliya aan hadda sameyn karo. Aniga waxaan qof walba u rajeynayaa maamul daacad ah aan cunsuriyeyn lahayn."

Warbixinta mudaaharaadka joojinta magangelyada mudada ah
Warbixin dheeraad oo ku saabsan, arrimo ka mid ah, mudaaharaadka joojinta magangelyada mudada ah halkan ka aqri
Maxey kula tahay qodobkan?